Sidee Loola Dhaqmaa Caruurta Madaxa Adag?

Canaadka iyo madax adaygu maahan wax ilmuhu ku dhasho, sida ay hooyooyinka qaarkood uqaataan, laakiin isbedel nafsiyaded ee ilmaha lagu arko, kadib dhaqamo khaldan oo barbaarineed ee lagula kacay ilmaha.

Ilmaha madax adayga lagu arko waa kuwa caqliga badan isla markaasna leh shakhsiyada fiican.

Sababaha keena madax adayga:

-wuxuu rabaa ilmuhu inuu sugo shakhsiyadiisa, wuxuuna bixinayaa amaradiisa.

-waalidka oo soo dhexgala waxkasta oo nolosha ilmaha khuseeya, oo aan siin xoriyadiisa hoose.

-in lala dhaqmo ilmaha habdhaqan qallafsan, iyo amar siin badan.

-inuu ku dayanayo waalidkiis, oo laftoodu amaro adag bixiya, isaguna wuxuu rabaa inuu iyaga matalo.

Waxyaalaha keena waxaa ka mid ah in ilmaha xoriyada loo diido, oo la xiro, ama aad loo ciqaabo isagoo yar, ama inuu dareemo in la dulmiyey oo la dhibaateeyey, iyo inaan la dareensiin jacayl iyo xanaano, marka intii mashaakil nafsi ah ku dhici lahaayeen, ayuu sidaan noqdaa.

Waxyaalaha lagu arko:

-kaftan la’aan joogto ah

-muran iyo hor istaag dadka waaweyn

-Amardiido joogto ah

-Wax kasta oo dadka waaweyn dhiba ayuu samaynayaa

-Ma ilaawayo waxa lagu sameeyo oo dhib ah

-Aargoosi jacayl, ma ku cafinayo

-Jacaylkiisa oo aad u hooseeya

Waa in waalidku ogaadaan in isbedelkaan yahay mid dhinacna ka fiican, dhinacna dhibkiisa leh, marka waa inaad ku sabirtaan, oo aad ka joojisaan dagaalka iyo rabshada.

Ilmaha canaadka iyo madaxa adag, waxay waalidka faaiido u tahay xilliga uu gaaro kureynimada ma raaco saaxiibo noocay doonaan ha noqdeene, wuxuuna caan ku yahay intuu nool yahay inuusan saaxiibadu saamayn, waa nooc dadka lagu arko.

Waxaan soo jeedinayaa in qaabkaan lagula dhaqmo:-

1-marna waa inaan arintaan la sheegsheegin, oo aan la dareensiin, sidaas ayuu noqday, hadii uu sameeyo amar diido, waa in la iska jaahil siiyo, oo inaan wax dhicin laga soo qaado.

2-in si fiican oo degan loola doodo, oo waxa aad rabto inaad ku riixdo inuu isagu go’aankaas gaaro, oo la siiyo wax uu kala dooran karo.

3-amarka oo dhan waa in laga daayo, waxay keentaa madax adayg badan.

4-qeylada halaga daayo iyo wax kasta oo kulayl ah

5- hadii uu isbedel yar ku aragtaan, abaalmarin siiya.

6- kula dhaqma hab degan oo aan toos ahayn, (flexible)

7- in wax lagu mashquuliyo, oo loo daaro nashiidooyin

8- in la amaano marka uu san madax adayg samayn.

9- hurdada waa in la siiyo cuntooyin protein leh, sida hilib jilicsan, ukun, iyo caano.

10-in la dareensiiyo nabad iyo wada shaqeyn.

11- in lagu daweeyo ciyaaro oo uu ka helo, sida dhuumaalaysi, alaabaha lagu ciyaaro, iyo in qof weyn uu la ciyaaro, hadii uu jecel yahay kaligiis inuu ciyaarana waa in la siiyo fursad.

12- marka aad ku aragto inuu galay madax adayg, waa inaan soo dunto, oo laabta ku qabato.

13- dareensii jacayl aan shuruud ku xirnayn.

14- ciyaar badan geli, ama ha la kaxeeyo, ilaa uu ka daalo, ama uu gaajoodo, cunto fiicana ha la siiyo, kadibna wuu seexanayaa.

15- wareyso oo dhagayso, oo dareensii muhiimadi siin badan, koolkooli.

Waxaa muhiim ah inaadan garaacin, ciqaab iyo hanjabaad waa ka reeban tahay, waxaa xataa dhici karta inuu xanuunsan yahay, waa in la hubiyaa Caafimaadkiisa guud.

Trainer Jamaludin Awke

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *