Sidee Looga Hortagi karaa Ragga Shabeel Naagoodka ah??

Marka koowaad waxaan ka afeefanayaa oo aan ka cudur daaranayaa in aan ragga lawada simin waayo Ragga waxaa ku jira ragga aad u qiima badan oo fahmi kara qiimaha iyo qadarinta ay ku leeyihiin dumarka.

Balse Ragga aan doonayo in aan ka hadlo waa ragga iskaaga dhiga dumarka in ay yihiin ragg aad u wanaagsan oo markay dumarka qalbigooda ku beeraan naxariis iyo u damqasho si xun ula dhaqma oo waliba meel cidla ah kaga taga.

Ugu horrayn waxaa laga yaabaa in aad la kulanto ragga qaarkii oo qaabka ay wax u jilayaan ( u matalayaan ) ay aad u wanaagsan tahay oo marka kuugu horaysa ee aad la kulanto waxuu kuugula muuqanayaa wiil dabeecad wanaagsan naxariis badan oo mar waliba ku amaana, oo xilli kasta ku soo raadiya oo mar kasta kuu sheega inuusan noolaan karin adiga la’aantaa balse nasiib daro waxa ay dhacdaa marki uu ogaado inuu maamuli karo dareenkaaga oo uu xaqiiqsado in aad siwayn ugu jajaban tahay waxuuba kugu noqdaa wiil aadan weligaa lakulmin waayo dabeecadiisii furfurnayd waxa ay noqotaa mid xirxiran , naxariistii badnaydna waxay isku badashaa inuu ku dhibsado, inuu ku amaanana is kaadyee waxuu mar waliba kuu muujiyaa xumaantaada , hadii uu ku soo raadin jirayna waxa ay isku badashaa in aad adiga raadiso , hadii uu kugu dhihi jiray la’aantaa manoolaan karo waxa uu kuu sheegaa in ay jiraan dumar badan oo kaa wanaagsan .

Hadaba maxaa keena is badalka sidaa u wayn ruux aad shalay qaab wanaagsan ku ogayd muxuu ugu soo baxaa ruux kale ?

Hadii aan taasi isku dayo in aan sharxo waxa ay noqon kartaa dumarka oo si fudud ku aamina ragga iskuna dhiiba .

Waxaan jeclaystay dumarka in aan siiyo talooyin ku saabsan qaabka ay uga hortagi karaan ragga shabeel naagoodka ah ( Ragga Dumarka ku cayaara ) .

# Ragga qaarkii waxa ay jecelyihiin wax yar in ay kuu qabtaan kadibna aad waxbadan u qabato, Dumarkana intooda badan waxaa khalda amaba ay ku sirmaan qaab jiliinka ragga qaarkii , taasi oo ugu dambayntii ku kalifta in ay ku dhacaan god wayn oo aysan filanayn.

Hadii aan Tusaale yar idin siiyo :

” Ragga qiyaana dumarka marka ugu horraysa uu doonayo inuu ku soo xera galiyo amaba uu doonayo inuu jacayl kugu beero waxa uu samaynayaa wax kasta oo adiga ku soo jiidan kara waxay doontaba haku qaadatee si uu jacayl kuugu beero, kadibna marki uu xaqiiqsado in aad isku dhiibtay, waxa ay isku dayaan in ay baddalaan dabeecadii aad ku baratay iyo hab dhaqankii aad ku ogayd taasi oo ay ula’ dan leeyihiin in ay dareenkaaga kiciyaan oo ay kugu beeraan welwel iyo murugo kadibna wakhtigaaga oo dhan in aad ku lumiso sidaad isaga u raadin lahayd ula jeedka ugu wayna waxa ay tahay marki uu arko in aad siwayn u jeceshahay waxuu isku dayayaa inuu waxuu doono kaa samaysto kadibna uu meel cidla ah kaaga tago ”.

Ogoow qiyanadaan waa mida ugu wayn oo ay ku hawl galaan ragga dumarka qiyaana , Marka koowaad wuu isku kaa dhul dhigayaa kadibna marki uu naxariis kaa helo waxuu kugu kalifayaa in aad isaga daba orodo kadibna uu meel cidlaha kaaga tago.

Hadaba hadii aan idiin siiyo seddex talo oo aan isleeyahay dumarka way anfici doontaa shabeel naagoodna fursad uma helidoono meel uu kaa soo galo hadii aad sedexdaan talo qaadato . waxayna noqonayaan sidan .

1- Hanoqon qof Daciif ah ( jilicsan) oo si fudu isku dhiibta waayo ragga intooda badan waxa ay raadiyaan dumarka aysan iyaga la’aantood noolaan karin balse ma raadiyaan mana daneeyaan dumarka ay ogyihiin in ay tahay qof sifudud lagu heli karo amaba aad iskuugu dhiibay oo ay dareemayaan iyaga la’aantood in aysan noolaan karin. Hadaba adiga hanoqon gabar sifudu lagu helo waayo raggu sidoodaba waxa ay raadiyaan waxa aysan haysan ee adiga mar waliba noqo ruux kamadax banaan isaga oo noolaan kara la’aantii taasi waxa ay keenaysaa inuu mar waliba adiga ku soo raadiyo waana dabeecad ay ragga ka siman yihiin .

2- Hadii aad wada hadlaysaan ilaali hadalkaaga oo ka fiirso waxa aad ku hadlaysid, Sababtuna waxa ay tahay raggu waxa ay aaminsan yihiin in iyagu ay u hadlaan si caqli gal ah , dumarkuna ay u hadlaan si qiiro leh ( caadifi ah) . Hadaba si aad hadalkaaga u xakamayso noqo qof aan hadalka jajabin oo aan is dhul dhigin waxaadna ogaataa ragga qaarkii dumarka is dhiiba oo u calaacala in ay uga sheekeeyaan asaxaabtooda ee hadaba ka fiirso waxa aad ku hadlayso marnaba yuusan hadalkaaga ka dareemin debacsanaan iyo in aad tahay qof u jajaban isaga , waxaa hubaal hadii uu arko adigoo hadalkaaga miisaaman yahay oo aan isdhul dhigayn inuu mar waliba iswaydiin doono siduu kugu heli lahaa .

3- Isku day in aad xakameeyso dareenkaaga qalbiga , Marnaba ha ku badin wacitaanka , hana isku dayin in aad baadi goobto. Waa in aad ogataa ragga qaarkii waxa ay jecelyihiin in ay dumarka tijaabiyaan sidaa darteed hadii uusan ku soo xariirin ha noqon qof isaga xabsi ugu jira oo aan la’aantii waxba qabsan karin ee waa in aad noolashaada kale raacataa waa in aadan ka murugoon hadii uusan kusoo wicin amaba uusan kusoo raadin waayo hadiiba ruux ay damqayso dhibtaada cidlo kaagama tageen ee ruuxii cidlo kaaga taga adigoon xumayn waa qof aan dan kaa lahayn.

Hadaba maxaad noolashaada qiimaha badan ugu qasaarinaysaa ruux aan kuu qalmin ??? .

Midna ogoow jacaylka sidiisaba guurka ka hor waa riwaayad guurka kadibna waa taariikh , hadaba jacaylka dhabta ah waa kan kugu hogaamiya guurka xalaasha ah ee ma ahan jacaylka riwaayada ah oo wakhtiga la iskaaga lumiyo intiisa badana ku dhisan qiyaano iyo wakhti lumis.

Ugu dambayntii waxa igu kalifay in aan mowduucaan ka hadlo waxa ay ahayd waxaan arkay dumar badan oo ka cabanaya ragga , marka koowaad waxaan ragga leeyahay Alle (SW) ka baqa oo iska ilalaiya xaqa dumarka oo yaana lagu xad gudbin, Waayo dumarku waa qayb kamid ah jirkaaga dumar la’aantood adduun lama joogeen , way ku dhaleen way kula dhasheen , way kuu dhexday amaba waad guursan doontaa , waad dhashay amaba waad dhali doontaa hadaba sideen u xumaynaa noolasheena oo idil ayaaba ku dhisan .

waxaan rajaynayaa intii khaldan tayna in ay alle dambi dhaaf waydiisato, dumarkana loo naxariisto .

Waxaan kaloo dumarka kula dardaarmayaa waligaa ha isliidin oo ha is dhul dhigin ruuxii wanaag kula damacsan waa ruuxa guri xalaal ah iyo guur kuugula yimaada ee ma ahan kan wakhtiga kaaga lumiya hasaawe iyo wax aanan kuu qalmin teeda kale yaysan idin qaldin qaab jiliinka ragga oo haku kadsoomina ragga qaarkii .

Hadiise aad dooranaysaana lamaanaha noolasha ha noqdo Nin Ahlu diin ah oo ay ka muuqato sunada islaamka, waliba aad siwayn uga taxadartay dabeecadiisa waayo qofka kaliya ee ku sharfaya waa ruuxii Alle (SW) ka baqa oo og hadii uu kugu xadgudbo inuu alle ka goynayo .

Waxaan Allah (SW) waydiisanaynaa inuu dhowro dhamaan hablaha islaamka qaasatan hablaha soomaaliyeed . Aamiin

Intii aan saxay Allah (SW) ayaa i waafajiyaay , Intii aan khaldayna shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .

DHALINTA-MAANTA

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *