Sidee Looga Hortagi Karaa Caajisnimada?

Caajisnimada, caajiska, wahsiga3 Xaaladood oo qofka u horseedi karta in uu ka hortago Caajisnimada!!

1- Ugu’ horrayn waxaa habboon qofku in uu joojiyo marwaliba in wakhtigu uuka dhigto marmarsiiyo ( cudurdaar) maxaayeelay waxaa inta badan dhacda qofku marki uusan doonayn in uu mas’uuliyada qaato waxa uu iskudayaa in uu eeda dusha ka saaro wakhtiga, waxaa iska caadi ah qofku in uu yiraahdo
Wakhtiga ayaa igu yar, Wakhti uma haayo, ”

Dabcan wakhtigu wuu kugu yaraan karaa balse waa hadba sidaad adigu u maarayso wakhtigaaga, Dunidu ma’ jirto cid 25 saacadood haysata dadka oo idil waxa ay haystaan 24 saacadood waxaase lagukala horumaray hadba sida uu qof waliba u maareeyo 24-kiisa saacadood.

Xaqiiqdii waxaa habboon halki aan wakhtiga marmarsiiyo ka dhigan lahayn in aan anagu mas’uuliyada qaadno waayo wakhtigu waa cadaalad cidna uma eexdo cidna kama eexdo balse fursadaha wakhtiga waxaa lookala faa iidaystaa hadba sidii lookala dadaal badan yahay ee yaan lagaa dadaal badnaan.

Mideeda kale qofku waa in uu iswaydiiyaa:

– Noolashaydu miyay leedahay Jadwal wakhtiyaysan oo aan raaco, Mise waxaan ahay qof maalin waliba ku soo toosa wixii ka horyimaada in uu qabto ?.

– Wakhtigayga ma u isticmaalaa hadba siday arimuhu ukala qiima badan yihiin, Mise wixii aan arko ayaan sameeyaa ?

2- Waa in qofku uu ka taxadiraa go’aamada uu qaadanayo xilliga uu xamaasadaysanyahay waayo inta badan waxaa dhacda muddo gaaban gudohood in uu qofkii ka caajiso, Sababatuna waxa ay tahay qofku marki uu xamaasadaysan yahay waxaa sahlan in uu go’aan qaato isaga oo aan ka fikirayn natiijada siday u ekaan doonto iyo awooda uu u leeyahay in uu ku fuliyo go’aanka uu qaadanayo,

Sidaa awgeed muddo gaaban gudohood qofkii waxaa u soo baxaysa dhowr arimood oo u baahanayd in uu is waydiiyo kahor inta uusan go’aanka qaadan, ugudambayntiina waxayba caqabad ku noqdaan in uu ka guul gaaro go’aankii uu qaatay kadibna waxaaba dhacda in uu ka haro wixi uu hiigsanayay.

Hadaba si’ aysan taa u dhicin marka hore waa in aad noqotaa qof aragti fog leh taasi waxa ay kuu sahlaysaa go’aamada aad qaadanayso in ay noqdaan kuwa ulajeeddo dhab ah ay ka dambayso oo aan ahayn kuwa xamaasad un ku dhisan oo mudo gaaban gudohaad laga caajiso.

Sidoo kale Arimaha ukala qaad siday ukala fudud yihiin, waa in aadan naftaada culays ku saarin wax aysan awoodin waxaadna ogaataa waxyar oo aad si wanaagsan u qabato misana aad joogtayso ayaa ka wanaagsan in aad naftaada ku qasabto wax aysan awoodin oo ay suurtagal tahay muddo gaaban gudohood in aad ka caajisto.

3- Waxa uu qofku u baahan yahay in uusan xaqirin naftiisa waayo caajisnimadu waxa ay qofku ku timaadaa kadib marki uu ka wahsado wax uu awoodi karay in uu qabto.

Waxaa kaloo iyadana muhiim ah qofku in uusan naftiisa ka dhaadhicin fikradaha khaldan, Hadii ay noqon lahayd in uu ku dhawaaqo uu yiraahdo
” Waxay ila tahay in aan qaban karin , Waxaan ahay qof caajis ah amaba waxaan noqday ruux caajis ah iwm ” Amaba in uu hoos iskuugu sheego in wax waliba ay yihiin wax adag oo aan la qaban karin, iskusoowada-duub fikradaha khaldan oo aad naftaada ka dhaadhiciso waxay saamayn ku yeeshaan sida ay noolashaada u ekaanayso,

Waxaa kaloo hubaal ah qofba hankiisu inta uu la egyahay unbay hanashadiisuna noqotaa, hadii aad siwayn u fikirto wax wayn un baad rajayn kartaa hadiise aad si hoose u fikirto wax hoose un baad sugaysaa.

-DHALINTA MAANTA

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *