Sidee ku Dooranaysaa Takhasuskaaga?

Takhasuskaaga, ardayga wanaagsan, waxbarashada, takhasus,Ma doonaysaa in aad doorato takhasuskaaga ugu fican ama midka kugu haboon? Side u dooran karta mid ku raali galiya? Maqaalkani wax uu ka caawin doona ama ku sahlaya in  aad takhasus fiican doorato adiga oo maraya hab cilmiyaysan

Doorashada takhasuska jaamcadeed maaha mid sahlan mana aha mid fudud,laakin ardaydeenu way dhayyalsadaan wayna fudaydsadaan wana ta keenta faashilka ardayda ku dhaca badana ardaydeenu waxay raacan takhasuska loo badanyahay ama ka uu saaxibkood doorto ayuu la doorta ,

Ardaygu marka uu bilaabayo jaamacada waxa uu waraysta ardaydi ka horaysay ama waxay firiyaan dadka shaqada wanaagsan haysta kuliyaday barteen ,ama waxa uu arkaya ardaydii oo meel u badan ,ama saxiibkii oo kuliyad galay !

Wallow doorashadu inagu yartahay , markaad kuliyad doorannaysid waxa muhiim ah in aad is waydiiso suaalahan islamarkaana aad uga jawaabto sida ugu macquulsan uguna saxsan

1. Awood ma u leedahay in aad baratid kuliyadan aad dooratay?

2. Ma jeceshahay in aad barato kuliyadan?

3. Ma ku helaysaa fursado shaqo?

Hadii aynu indhaha la si yara raacno suaasha kowad ee ah awood ma u leedahay in aad baratid kuliyadan aad dooratay     xaqiiq waa suaasha ugu muhiimsan waana ukunta takhasuskaaga  awoodu waxay noqon kartaa xagga dhaqaalaha, waxay noqon karta xaga seeska aqoooned ee aad u leedahay kuliyadan aad dooratay ,hadii aad doonaysid in aad barato medicine oo aanad si fiican u garanayn biologyga ama chemistryga way kugu adkaanaysaa in aad doorato medicin sidoo kale hadii aad doonayso in aad barato engineering oo aanad si fiican u aqoon xisaabadka runti iyana way kugu adkaanaysa in aad ka midho dhaliso hamigaaga iyo higsigaaga ku salaysan kuliyada engineeringka

Hadii aynu soo qaadano awooda xaga dhaqaalah tusaale ahaan kuliyada aad doonayso ayaan laga helayn wadankaaga oo waxaad u baahantahay dhaqaale aad ku doonato jaamacad kale, hadi aanad heli karayn dhaqaalahas lagu safraayo ee aad wax ku soo baranysid ee aad jaamacad ku doonan lahayd way yaraanaysa in aad iyana ka midho dhaliso hamigaaga iyo higsigaaga ku salaysan kuliyada aad rabto in aad soo barato

Waxa dhici karaysa in aad awoodo labadaba oo aad dhaqaalihi hayso ,seeskii aqooned ee kuliiyadana aad hayso laakin aanay suurto gal ahayn waayo waa kuliyad ay dawladu bixiso dad gaar ahna siiso tusaale ahaan waxaan wadanka itoobiya u doontay waxbarasho gaar ahaan in aan ka soo barto cilmiga engineeringka khaasatan telecommunicationka lkn nasiib daro jaamacadaha dawlada ayaa bixiya oo dad gaar ah ayaa la siiya

Suaasha labbad hadii aynu u nimaadno ee ahayd ma jeceshay in aad barto kuliyadan

Kuliyada aad baranaysaa waa mid la xidhiidha noloshaada oo dhan waayo waxa laga yaaba in aad ku shaqasato inta nolshaada ka hadhsa,sida awgeed waxa muhiim ah inaad barato kuliyada aad jeceshahay

Suaasha saddexaad ee ahayd ma ku helaysaa fursado shaqo , wax kastoo aynu barano marka laga yimaado cilmiga diinta ah waxaynu u barana sidii aynu u heli lahayn shaqo ama sidi aynu ugu shaqaysan lahayn , kuliyada aad baranyasaa waa skillskii ama xirfadii aad bari ku shaqayn lahayd sidaa awaded waa inaad doorata kuliyada aad shaqo ku heli lahayd, waxaad ka taxadirta kuliyada aad baranayso iyo sida ay wadankaaga ku tahay tusaale ahaan ninka la yidhaahdo DR DARIK SUWAYDAAN waxa uu yidhi ‘’wiil reer Kuwait ah ayaa waxa uu soo bartay cilmiga kaymaha ( forestry engineering ) kuwaitna malaha dhir iyo kayma toona wana saxare holcaaya’’

Hadaba side ayaa ku helysaa jaamacad tayo leh …..wiil aanu saxib nahay ayaa markii uu dhameeyay dugsigii sare ee aanu wada dhigan jirnay waxa uu ku dawakhay jaamacada uu gali lahaa waxaanu isku soo maray ilaa 5 jaamacadood akhiirki wuxuu galay mid ila hadana ti ayu wadda, waxaan uga socdaa maaha in aad ku dawakhdid jaamacadaha aad galaysid u fiirso jaamcadaha wadanka kana eeg xagga dhaqaalaha, magaca,waqtiga mida ku qancisa gal oo ku qanacsanow,hana ku dawakhin tayooyinka jaamacadaha sababto ah jaamacadaha wadanku waa isku wada tayo waana isku wada mid

Abdirizak guleid

Abdirizakguleid@hotmail.com

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *