Sidee Jirkaaga Quruxdiisa U Ilaashan Kartaa, Iskagana Difaaci Kartaa Gabowga?

gabowgaMaqaarka jirka oo ka mid ah meelaha lagu qiimeeyo quruxda uu qof leeyahay ayay aad muhiim tahay in uu qofku xanaaneeyo. Dadkuna waxa ay jecel yihiin muuqaalka jirka ama maqaaarka aan lahayn finan, dildilaac, laablaabanka gabowga iyo nabaro.

Wadamada reer galbeeka ayaa shacabka ku nooli waxa ay aad u jecel yihiin in ay helaan harag qurux badan oo maariin ah. Waxa ayna isu dhigaan qoraxda si ay maariin ama buni u noqdaan. Laakiin taasina uma fiicna jirka maqaarkiisa oo waxa ay ku keentaa Gabow.

Daraasad cilmi baaris ah oo dhawaan la sameeyay ayaa waxa ay sheegaysaa in gabowga maqaarka jirku uu yahay mid laga dhaxlo waalidka laakiin wax laga qaban karo isbedelka  jidhka ku imanaya. Daraasaduna waxa ay aad u cadaysay in habka uu qofku u nool yahay qayb wayn ka qaadato natiijada.

Daraasada oo lagu soo saaray jariidada Archives of Dermatology ayaa waxa ku qoran in 60% uu gabowga jirku ku xiran yahay dhaxalka halka 40% ay ku xiran tahay sababo uu qofku ku lug leeyahay.

Sedexda ugu daran ee jirka maqaarka gaboojinaya ayaa kala ah sigaarka, cayilka iyo qoraxda uu qofku isu dhigo isaga oo raba in uu buni noqdo. Qorax isu dhigida ama qoraxaysiga ayaa ah sida reer galbeedku u qoraxaystaan. Taas oo ay inta ay dharka iska saaraan jiifsada xeebaha si ay buni u noqdaan. Waana qoraxaysiga noocan ah ka wax u dhimaya maqaarka jirka. Inkasta oo ay jiraan dad madow oo iska ilaaliya qoraxda si ayna aad ugu sii madoobaan. Taasina waa mid aan u fiicnayn qofka caafimaadkiisa. Sababtoo ah qoraxda sideedaba qofku wuu u baahan yahay si uu uga helo vitamin D-da.

Inkasta oo kareemada iyo ka shaqaynta wajiga ay wax yar ka qaban karaan gabowga maqaarka ayaa hadana waxa muhiim ah in la iska ilaaliyo 3-da qodob ee aan kor ku soo sheegnay.

Arimaha aadka muhiimka u ah maqaarka ayaa ah qofka oo caba biyo badan, cuno khudrad badan, isticmaalo saabuun sax ah,  joojiyo cabitaanka sigaarka, hurdo fiican seexda, iska ilaaliya walbahaarka, iyo in qofku  sameeyo jimicsi joogta iskana ilaaliyo waxyaalaha jirka lagu cadeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *