Sidee Iskaga Ilaalin Kartaa In Macaanku Kugu Kaco Xiliga Soonka

Majalad ka faalloota arrimaha caafimaadka oo ay soo xigatay shabakadda Al-Carabiya ayaa dhowaan baahisay natiijada cilmibaadhis ka digtay xilliga afurka ee bisha soonka uu qofku ku talax tago cunto cunista. Daraasaddan ay faafisay majaladda Diabetes Care oo aan Afsoomaali usoo rognay ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in qofku cuntadadiisa ka dhigo laba qaybood oo aasaasi ah, qaybta hore oo ka kooban bartootiin iyo khudrad iyo qaybta labaad oo ah Carbohydrate (Ka kooban Carbon, Hydrogen iyo Oxygen).

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen dhakhaatiir ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee Weill Cornell  oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa sheegay in cuntooyinka barootiinta leh iyo khudradda ay fiican tahay in afurka cuntada lagu bilaabo, kadibna la cuno cuntooyinka cuntooyinka Carbohydrate ka leh, waxa aanay sheegeen in habkaas oo la maraa ay tahay sida ugu habboon ee uu qofku miisaankiisa ku xakamayn karo, ku ilaalin karo heerka saxda ah ee sonkorta dhiigga isla markaana qofka dareensiinaya dhereg si aanu cunto dheeraad ah u cunin.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in sida fiicani ay tahay qofka oo xilliga soonka marka la afurayo cuntadiisa ku bilaabo cuntada leh Barootiinta sida hilibka iyo midhaha (Faasuuliye, digir, fuul iwm) taas oo ay caddeeyeen in ay caafimaad ahaan ka wanaagsan tahay marka uu qofku ku bilaabo cuntooyinka Carbohydrate ku ku badan tahay sida khubuska, baastada iyo bariiska

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *