Sidee Gacantaada Iskaga Lisi Kartaa Caanaha Naaska?

Muuqaalkani oo ay soo gudbinayso Ubahina Muse waxa ay kaga hadlaysaa qaabka ay hooyadu gacanta iskaga lisi karto caanaha naaska. Marar badan ayaa u baahan kartaa inaad iska listo caanaha, waxaa dhici karta inaad ilmaha aabihiis ama ehel uga tagto. Hadii cunugaagga u listo caanaha, weli wuu helayaa faaidooyinka caanaha naaska.

Qaabka caanaha gacanta loogu liso:

  • Gacmaha soo dhaq, soona qallaji. Bakeeri nadiif ah oo qallalan soo diyaarso. Farahaaga ka dhig sida xarafka (C), ¬†dabadeedna naasaha soo masaajee oo usoo daliig dhanka ibta illaa dhawr daqiiqo.
  • Ka dibna ibta korkeeda ku dhaji oo ku riix feeraha, dabadeedna faraha isu keen adigoo naaska usoo dhiijinaya dhanka ibta. Markay lismaan sii daa naaska, ka dibna ku celi oo samee sidii hore oo kale illaa iyo intaad rabto wad inshallah.

Ka faaidayso muuqaalkaan:

Check Also

dhareerka caruurta

Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

Waa Maxay Dhareerka Caruurta? Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *