Sidee Gabadhu U Xulan Kartaa Nin Wanaagsan

Marka laga hadlayo Xulashada guurka Rag iyo dumar waxa laga simanyahay in la isku xusho waxyaabo qofka wax xulanayaa u arko  in ay ku haboontahay in wakhtigaa la joogo uu doorashada Lamaanaha nolosha  la wadaagi doono ku saleeyo.

Hadaba waxaynu diirada saaraynaa sidii ay Dumarku ku xulan lahaayeen Ninka ay nolosha la wadaagi doonto balse ka hor Talada dumarka ku aadan aynu dul marno xulashada haweenka iyo waxyaabaha ay ku fikiraan xiliga ay xulashad ku jiraan.

Haweenka  Soomaalida qaarkood marka ay wax dooranayaan waxa ay ka eegaan Ragga tilmaamo caqligooda la xidhiidha , iyaga oo badnaa Ragga ka eega, Quruxda, labiska, hadal wanaaga, Muuqaalka guud, iyo arimo  lamid. Balse run ahaantii ma eegaan Dumarka qaarkood mustaqbalka dambe iyo in Wiilka ay tilmaamahaas ku doorteen ay arki doonto dabeecadiisa rasmiga ah iyo dhaqamada u qarsoon.

Waxay juhdi badan ku bixisaa sidii ay wiilka ay gabadhu ka heshay qaababkiisa ay ku qancin lahayd  waxay marwalba ku dadaalaysaa in ay soo jiidato oo jacayl ku beerto , Markay hanato ka dib hadii wakhtigu ku simo in ay is calfadaan waxay kala kulmaysaa  dabeecado kala gadisan iyo tix galin la’aan waxay ku qasbantahay in ay u dulqaadato wax kasta  oo kala kulanto.

Dabcan wiilku marka uu ogaado in ay jeceshahay waxa uu lasoo baxayaa miciyo u qarsoon waxana uu niyada gashanayaa in aan waxba laga dooneen ee ay iyadu mas’uuliyada qaadayso wax kasta oo looga baahan yahay qoyska. Waa cajiib dabeecadahaas iyo kuwa kasii badanba waxay la kulmaan haweenku .

Hadaba waxa mudan in haweenku wakhtiga xulashada ay ku dadaal sidii ay usoo dhaweesan lahaayeen dadka akhlaaqda ku sifoobay ee iyaga jecel.

Xaqiiqdii Nolosha macaankeeda waxa la dareemaa marka dumarka qanciyo dumarkana waxa qancin kara ruux ka taxa daraya oo jecel isla markaana jacaylka uu u qabaa uu badan yahay ka ay iyadu u qabto, ugu danbaytii waxa haboon in haweenaydu eegto xiliga guurka ay ka fikirayso nin jecel iyada oo raali ka ah isla markaana nolosheeda dabiqi kara.

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *