Sidee Gabadhu U Kasban Kartaa Jaceylka Saygeeda?

Jacaylka, saygaaga, ninkaaga, lamaanaha, xiriir jaceylIlaahay SWT wuxuu ka yeelay labada qof ee isqaba xidhiidhkooda xidhiidh muqadas ah oo karaameysan, mid walba wuxuu ka fakarayaa siduu usoo jiidan lahaa kan kale una ilaalin lahaa dareenka kan kale. Labada qof markeey is guursadaan ma aha macnaheedu ineey intaas ku egtahay arintu , laakin waxaa loo baahanyahay in mid walba ku dadaalo siduu usoo jiidan lahaa kan kale, waxay noqon kartaa tusaale: hadal macaan, dhunkasho, hadiyad, is caawin , markuu mid heysto dhib inuu kan kale isku dayo inuu ka fududeeyo. Waxaan markaas jecleystay inaan ka qoro sidee ah gabadhu quruxda dumarnimadeeda iyo akhlaaqdeeda uu Ilaahay siiyay ugu soo jiidan laheyd ninkeeda.

1- Markuu ninkaagu soo galayo guriga ku qaabil dhar qurux badan, cadar udgoon, dhoola cadeeyn iyo qalbi furan, xataa haduu soo daaho.

2- Markuu soo galayo guriga, ha ahaadeen caruurtu kuwa qurux badan oo farxad galisa, caruurtana ku rabbee ineey soo dhaweeyaan aabahood mar walba oo uu soo galayo.

3- Maalin kasta warayso ninkaaga oo la shekeyso  waxaad ka wareysataa tusaale ahaan shaqada wuxuu kala soo kulmay maanta IWM, hadalkana is weydaarsada si aan ku jirin muran iyo madax adeyg  sida mustaqbalka waxaad rabtaan, ama waxa idinku soo kordhay

4- Markuu meel ka soo laabto  shaqada, suuqa, masaajidka, safar ama meel kale  inaad tustid inaad u xiistay intuu kaa maqnaa, sida inaad ku dhahdo:  waxay ila ahayd intaad iga maqneyd sanado ama illeen gurigu wuxuu la iftiimay adaa yimid IWM.

5- Yuusan kaa dareemin inaad dhibsanayso haduu wax kuu dirsado.

6- Mararka qaarkood u samee waxyaalo filanwaa ah tusaale:

  • Inaad u labisato si uusan waligii kugu arkin, oo kuu maleeyo mid xalfad u socota.
  • Isagoo labisanaya jeebkiisa ugali warqad aad ku qortay sida: waligay cid uma jeclaan sidaan ku jeclahay iyo  waan kuu soo xiisi ee isoo dhakhso si uu usoo saaro markuu maqanyahay warqada.
  • Email haduu leeyahay ugu dir gabay jeceyl ah.
  • Inaad sameyso casho macaan, una diyaariso hab sidii hore ka duwan, tusaale: inaad miiska ku sharaxdo ubax, mushamac IWM
  • Inaad hadiyad u keento ciidaha ama munaasabad gooni ah sida haduu shaqo helo oo kale, markaas uu dareemo inaad la wadaagto farxadda.

7- waxaad isku daydaa inaadan ninkaaga ka hor seexanin habeenkii, marmar daruuriah ma ahane oo aad daalantahay, ama aad rabtid inaad shaqo, iskuulka iyo wax lamid ah.

8- Isku day inaad ninkaaga utoosiso sida salaadda subax, salaatu leylka iyo wax lamid ah, sababna ha u noqonin ninkaagu inuu ka caajiso cibaadadiisa iyo waajibaadka kale ee saaran.

9- Ninkaaga waxaad ka dhigtaa mid firfircoon oo aan aheyn caajislow.

10- Ha soomin soon sunne ah ninkaaga oon ogeyn ( sida ku soo aroortay ee ay sheegtay sunnadu )

11- Markasta oo aad wanaag u sameyso ninkaaga, waxaad ogaataa inaad Illaahay agtiisa ajar kaga heleysid.

12- Ha faafinin ceebaha ninkaga, ee isku day inaad qariso.

13- Sirta adiga iyo ninkaaga iyo tan reerkaba ha faafinin ( ku fakar in hadaad fidiso sirtiina, dadka kugu sheekeystaan si ay shaaha kuugu cabaan, waxaadna ogaataa iney maanta amanadii dayacantay oo qofkaad aamin is dhahdo oo aad u sheegato sirtaada aad ka maqleyso bari iyada oo magaalada kaaga horeysa oo ay dadku ku sheekeysanayaan !

14- Codkaaga kor haa uqaadin markuu kula joogo khaas ahaan.

15- Isku day inaad xidhiidhiso, kana soo dhaweysato dadka kale, dadka uu jecelyahay sida waalidkiisa, walaalihiis iyo saaxiibadiis.

-Khadija home

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *