Sidee Caruurtaada Uga Ilaalin Kartaa Inay Beenta Bartaan?

Beenta ayaa ah wax xun, waana mid ka mida waxyaabaha mushkiladaha ka dhex abuura caruurta iyo Waalidka, taasi oo keenta in si aad ah uga warwaraan waalidiinta aayaha caruurtooda, Ka hadalka arintaana waa mid la doonayo in aad wanaaisid la dhaqanka Ilmahaaga.

Beenta oo ah Caado Xun ayaa Canuga waxaa laga yaabaa in uu caado ka dhigto hadii uu joogteey, isaga oo is leh hadii aad sida runta ah waalidka wax ugu sheegto waa lagu garaacayaa ama ugu yaraan canaan ayaad la kilmaysaa.

Hadaba side ula dhaqmaysaa caruurtaadda si aysan Been kuugu sheegin.

-Waxaad ka dhigtaa hooyo canugaaga mid dareemaya Kalsoonni, si uu waxyaalaha uu qarinayo ee quseeya kaala sheekaysto, hadii uu malaynayo in dhankaaga uusan wax kalsooni ah ka helaynin ama waxyaabaha uu kaala hadlo lagu canaanto, amaba la tumo waxaa uu ka weecanayaa in uu Xaqiiqada kaala hadlo.

-Ka shaqeey in aad u diyaariso bay`o  dagan nafsad ahaan maxaa yeelay qoyska xasiloon canuga ku dhex nool inta badan uma leexdo in uu beensheego oo waxaa yaraanaya waxyaabaha ku riixi kara.

-Isku day in aad canugaaga aad ku dhiiri galisid run sheegida, adiga oo amaanaya hadiyad siinaya marka uu run sheego si uu u dareemo qiimaha ay leedahay Runta.

-Ka yeel canugaaga mid dareemaya cawaaqib xumada beenta, adiga oo ogsoon in ciqaabtaadu noqoto mid wax sii saxaysa,

-Waxaa waajib kugu ah in aad ogaatid waxyaabaha ka danbeeya in uu been sheego cunugaaga.

-Been ha usheegin ilmahaaga, wixii aad ka balan qaado u oofi, sidoo kale adigu mar walba runta ku dedaal.

-Uga sheekeey Sheekooyinka iyo xigmadaha ka sheekaynaya muhiimada runta iyo cawaaqib xumada beenta.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *