Sidee Caruurta Loogu Barbaarin karaa Akhriska?

Iyadoo  bulshyiinka soomalida lagu xanto umadaha aan qiimayn akhriska iyo qoraalka, laguna tilmaamo ‘bulsho hadasha’, ayaa waxaan jeclaystay inaan qoraal ka sameeyo sida ugu haboon ee ubadka soomalida loogu barbaarin karo akhriska, loona beeri karo caruur jecel buugga,caruur qiimaysa akhriska, wakhtina u hura ,haddaba,iyado ay waalidiinta soomalida badankooda lagu soo ababin dhaqanka akhriska iyo jacaylka buugga oo ay tahay caqabad hortagaan dadaalkasta oo lagu barayo  caruurta soomalida akhriska , lana beerayo dhaqanka akhriska oo aan ku jirin dhaqanka soomalida ee ah dhibaatooyinka hortagaan in caruurta lagu barbaariyo dhaqanka akhriska .

Akhriska waa furaha horumarka ee dunida  aynu maanta joogno,  sidaas dareed,ayaa loo bahan yahay in aynu ku barbaarino caruurta akhriska si aynu ubedelno bulshadeena maadaama ay caruurtu tahay waalidiinti bari,dhaqanka lagu barbaariyo ama ay kaga daydaan waalidkood,way ku gaashaan qaadaan,haddii ay ku gaashaan qaaddanna, way ku waynaanayaan,haddii ay ku waynaadanna waxay ka dhiganayaan akhriska qayb ka mid ah noloshooda ,waxay ka dhiganayaan akhriska qayb ka mid ah baahiyahooda aasaasiga ah,waxay ka dhiganayaan buugga saaxib rumaad ah oo aanay la’aanti tashan Karin, qorshana yagleeli Karin,haddaba,

sidaad ubadkaaga u bari karta akhriska?

Marka lag hadlayo barbaarinta ubadka gaar ahaan in la baro ubadka akhriska,waxa loo baahan yahay in waalidku kaalin mug leh ka qaato arinkan si uu ubadkiisa u jeclaysiiyo akhriska, ma’aha akhriska la barayo caruurta casharada dugsiga oo keliya, laakiin way ka sal-ballaadhan tahay, waxa loo baahan yahay in caruurtu ay buugga saaxiib ka dhigato si taasi u suurto gasho, waxa laga raba waalidka in uu sameeyo laba arimood oo kaa caawinaya inaad barto caruuta  akhriska inta ay yar yar yihiin, si aad u soosaarto caruur jecel akhriska, same tallaabooyinkan soo socda;

  1. U same wakhti aad caruurtaada ku barayso buugga iyo jeclaysiinta akhriska;maalinkasta ugu yaraan  20 daqiiqo waa inaad ilmaha barta  akhriska adiga oo la samaynaya akhris wadareeda ama aad u akhriyayso buugg la jaanqaadaya garaadka ilamaha,  kuna abuuraya maskaxdiisa dareen akhris, jeclaysiinaya ilamaha buugga.waa muhiim inaad u doorto ilmaha buug xiiso badan oo uu fahmi karo haddii uu wax akhriyi karo , haddii kale uu dawaan karo sawirada buugga ku dhex xardhan. waa inaad kordhisa muddada adiga oo gaadhisnaya 30 daqiiqo maalinkasta. joogte wakhtigan si ay ilmuhu dhaqan uga dhigto akhriska.markasta ka saacid sidii aad ula akhrin lahayd buugaas.muddo markaad joogtayso tallaabooyinkan,waxa loo bahan yahay inaad u hadyadayso ilmaha munaasibadaha gaar ka ah buug,taani waxay ilmaha ku reebaysa raad iyo xasuus ku waara qalbigiisa. u kexee  ilmaha goobaha buugta laga gado si uu u doorto buugga u jecel yahay adiga garabkisa tagaan kuna caawinaya sidii uu u dooran laha buugg garaadkiisa  iyo da’adiisa la jaanqaadaya.
  2. Ku dayasho; caruurtu waxay sameeyaan waxay ka arkaan walidiintood iyo walaaladdooda ka waawayn iyo dadka noloshooda saamaynta ku leh,sidaas darteed,waxa lama huraan ah in waalidku guriga ka dhex sameeyo maktabad akhris , waa in maktabadaas  qayb ka mid ah lagu qalabeeya buugta  caruurta ama buug la jaanqaadaysa garaadka iyo da’ada caruurta.bar caruurta inay booqdaan maktabadda una same wakhti ay booqdaan maktabadda si ay u daalacdaan buugta taal maktabadda xilliyada ay fasaxa ku jiraan.muddada ay ku jiraan maktabadda waa inay arkaan waalidkood oo buug akhrinaya sidoo kale way in ay caruurtu kaa arkaan waxaad barayso. ilamahu maalinta uu indhaha kala furo, waa inuu arkaa maktabadda  iyo buugga,maalinta uu higaadda kicin karana waa inuu akhriyaa buuggu maalintii uu kicintaanka baranayay u cuskan jiray,maalintuu raad dhaqaajiyayna uu ku ciyaari jiray,waxa kale oo qodobkan sii xoojin kara in dugsiyada laga sameeyo maktabado isla markaan ardayga la baro inuu booqdo maktbadda qayb wakhigiisa ka mid ah,taasi waxay ilmaha ku saamaynaysaa inuu aamina buugga iyo akhriska,inuu jeclaado buugga iyo akhriska,inuu noqdo faduuli waxkasta akhriya. haddii ilmuhu noqdo faduuli waxkasta akhriya; waxaad ku guulaysatay inaad ku barbaariso caruurtaada akhriska, waxa baadhitan laga sameeyay dalka maraykan lagu caddeeyay in ardayda waxkasta akhrisata ay ka firfircoon yihiin ardayda kale ee ku kooban buugta casharadooda marka laga hadlayo arimaha bulshada, sidaas darteed, ilmaha jecel akhriska iyo buugga waxa uu saamaynayaa saaxiibadii iyo dhammaan inta ku xidhan ee aan waalidkood ku barbaarin akhriska, halkaas ayaa waxa ka unkamaya is bedel bulsho oo dhanka garaadka iyo fekerka ah.
  3. Akhris wadareed;markaad ku tarbiyadayso caruurta akhriska, jeclaysiisana buugga, si aanu tacabkaagi u burburin,waa inaad u samaysaa caruurta akhris wadareed adiga ka qaygelaya akhris wadareedkaas ,barayana caruurta sida ugu suurto galsan ee loo samayn karo akhris wadareed loona wadaagi karo hal buug adiga oo magacaabaya hal qof oo ka mid ah caruurta oo soo akhriya hal buug , soona jeediya, ka dib si guud ay uga doodaan buuggan, waa muhiim inaad ka qaygasho doodda si ay kuugu daydaan,tani waxay kor u qaadaysa geesinimada iyo dhiirashada fagaare ka hadalka  caruurta,falaanqaynta iyo doodda, diyaarinta mawduuca iyo soo jeedintiisa,tallaabooyinkan markaad samaynayso.waa inaad taxadar muujisaa, waa inaad dulqaad iyo samir muujisa.si qabaw caruurta wax ugu sheeg. hana ku degdegin ciqaabta, laakin bar kuna maamul shuruuc iyo xeerar aad u dejisay si uu ugu dhaqmo xeerarkaas.

Waa maxay faa’iidada akhrisku u leeyahay caruurta?

Waxaynu kor ku soo xusnay tallaabooyinka ugu wanaagsan ee lagu bari karo caruurta akhriska laguna abuuri karo dhaqan akhris oo bulshada saameeya iyadoo laga bilaabayo hal ilmo,bal hadaba aan iftiimiyo  faa’iidada akhrisku ubadka u leeyahay;

  1.  Ilamaha akhriska lagu barbaariyay waa uu ka aqoon badan yahay ilmaha kale ee aan lagu barbaarin akhriska.
  2. Ilamaha akhriska lagu barbariyay waa uu ka garaad wayn yahay ilamaha kale.
  3. Ilamaha akhriska lagu barbariyay marka laga doodayo mawduuc ;waa uu ka dood wacan yahay doodiisuna waxay ku dhisan  tahay cilmi iyo aqoon uu soo akhriyay.
  4. Ilmaha  akhriska lagu barbariyay guulo badan ayuu ka sameeya imtixaanada
  5. Ilamaha akhriska lagu barbaariyay;waa ilmo degan jidh ahaan iyo maskax ahaan
  6. Ilamaha akhriska lagu barbaariyay;waa uu ka soocan yahay caruurta dhanka;hab fikirka iyo aragtida,dhaqanka iyo garashada iyo dhinacyo kale
  7. Ilamaha akhriska lagu barbaariyay;waa ilmo firfircoon oo ka qaybgaata arimaha dugsigiisa iyo arimaha bulshada.

W/q;bashiir raacdeeye

Raacdeeye.1@gmail.com

Raacdeeye.blogspot

Check Also

Weedho Xikmadaysan

1. Ma joojin kartid carabyada (hadalada) dadka laakiin ha u oggolaan carabyada (hadalada) dadka inay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *