Sidee Caruurta Loo Jeclaysiin Karaa Wax Akhriska?

akhriska,wax akhrinta,ubadka,ilmaha,caruurta,Islaamku wuxuu siiyay wax akhriska muhiimad wayn oo shantii aayadood ee ugu horeeyay Qur’aanka labo ka mida waxay ka hadlayeen akhriska. Wax akhrintu waa waxa ugu weyn oo uu qofku ku korin karo maskaxdiisa. Qof wax akhriyaana waxa uu noqdaa mid ka heer sarreeya midka aan waxba akhrin waayo waxa uu helaa fekrado cusub oo laga yaabo in ay wax badan ka badalaan qaab dhaqanka noloshiisa maalinle iyo mustaqbalkaba. “Markii guri kasta oo qoys deganyahay laga helo maktabad waxaa la oran karaa bulshadaas waa bulsho ilbaxa.” Mikhail Naima. Dhan kale haddii ka eegno, wax akhrisku wuxuu ku gaarsiin karaa waddada guusha.

Akhrisku waa quudka caqliga waa oraah aan maqalno in badan laakiin aynaan ku dhaqmin taas oo uu keenay caajiska naga haysta xaga wax akhriska. Xaqiiqda se waxay tahay, wax akhrisku in uu noqon karo wax lagu raaxaysto hadii aasaas looga dhigo nolosha kaas oo la abuurayo waqtiga carruurnimada. Inkastoo ay badan yihiin ilaha aqoonta, hadana, buugga ayaa ah hogaamiyaha ilahaas, waxaana laga helayaa faa’idooyin aan laga heli karin kuwa kale. Wuxuu ka qayb qaadanayaa arrimahaan in uu kor u qaado waaya-aragnimda carruurta waxay na u dhawaanayan caalamka dadka waawayn. Sida oo kale wuxu kobciyaa dhaqamada wanaagsan ee carruurta iyo awoodooda wax baarista iyo Kobcinta qaamuuskooda luuqadeed. Qofku hadii uu waynyahay iyo hadii uu yaryahay b,a wuxuu qaabilaa wax uu u arko in wanaag ugu jiro naftiisuna ay ku raaxaysanayso. Sidaa awgeed waa in aan ilmaha u tusno in uu akhrisku yahay wax wanaagsan si uu u jeclaado uguna xirnaado.

Siyaabaha loo jeclaysiin karo carruurta akhriska wey badan yihiin, waxaa na ka mid ah:

1. In loogu noqdo carruurta tusaale wanaagsan wax akhriska, loogana sheekeeyo buugtii la akhriyay iyo sida ay noloshaada u badaleen.

2. In loo kaxeeyo ilmaha meelaha bandhigyada buugaagta laguna dhiiri galiyo in uu maktabad abuurto.

3. In loo gooni yeelo waqti joogta ah akhriska si carruurtu ula qabsadaan una sameeyan marka ay waynaadan oo laga dhigo waqtigas mid muhiima oon marna laga mashquuli karin si ilmuhu u barto wax akhrinta faa’daday leedahay.

4. Marka uu ilmuhu isku day sameeyo oo akhriyo buug cusub in la faaniyo lana dareensiiyo in wax suuban uu sameeyay.

5. In loo hadyeeyo buugaag carruurta waqtiyada qaar si ay u ogaadan qiiimaha buuggta iyo wax akhrisku leeyahay.

Waxa la yiraahdaa “Akhriska furani waxuu ku barayaa wax aadan ka baran dugsi.” Hababkan aan soo sheegnay waa in ka mid ah siyaabaha ilmaha lagu jeclaysiin karo wax akhriska, waxaana muhiim ah in la dareensiiyo carruurta in uu akhrisku yahay wax muhiim u ah nolashooda. Waana wax run ahaantii mudan in waqti la galiyo waayo wax la dhisaa waxa ugu wanagsan carruurta. “Meesha adduunka ugu sharafta badani waa koore faras, saaxiibna waxa ugu khayr badan buugga” Abu –tayyib al-mutanabbi.

W/Q: caasho cabdullaahi warsame

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *