Sidee Ayaad Kooxdaada/Group-Kaada Ugu Hagi Kartaa Guul

Ma u malaynaysaa in aad tahay qof hoggaamiye ah? Haddii jawaabtaadu ay ahayd haa, maxay yihiin waxyaabaha kaa dhiman ee aad u baahan tahay si aad u noqoto hoggaamiye wanaagsan oo si fiican u hoggaamiyo kooxdiisa? Dad badan ayaa waxay isku tiriyaan in ay yihiin dad la hago oo aan wax hagi Karin, balse, waxay ogaadaan in ay yihiin hogaamiyeyaal marka ay qabanayaan wax ay jecel yihiin.

Hoggaanimadu ma lagu dhashaa mise waa la kasbadaa?

 marka hore aan isla garano macnaha (hoggaan). Hoggaanku waa fududeynta in koox ay isku milmaan iyaga oo ka midaysan qeexidda aragtidooda iyo ujeedooyinkooda una dhaqaaqaan sidii ay u hirgelin lahaayeen, hoggaanimada naf ahaanteedu waa sifooyin ama caadooyin la kasbado oo lagu noqdo hoggaan sare. Inkastoo dadka qaar ay u dhashaan hoggaanimada balse, waxa ay u baahan yihiin in ay horumar ku sameeyaan iyo weliba waxay u baahan yihiin bii’adii ama jawigii ay ku soo ban dhigi lahaayeen shakhsiyadooda. Si kastaba ha haatee qof walba waxa uu noqon karaa hoggaamiye haddii uu ku jiro rabitaan dhab ah, diyaarna u yahay in uu ku bixiyo dadaal si uu u xaqiijiyo ujeedadaas.

Waa maxay farqiga u dhexeeyo hoggaan iyo maamul?

 Hoggaannimada waxa ay xoogga saaraysaa xiriirka banii’aadannimo iyo xiriirka ka dhexeeya kooxda markaa isla shaqaynaysa, waxaa kale oo muhimad ay siinaysaa mustaqbalka iyo dejinta qorshe dheer, waxayna xalinaysaa dhibaatooyinka waaweyn. Halka maamulku uu xoogga saarayo waxqabadka iyo ilaalinta xeerarka u yaallo kooxda, wuxuuna xoogga saarayaa waqtiga markaa la joogo ama xaadirka ah iyo qorshaha dhaw, wuxuuna xaliyaa dhibaatooyinka yar yar.

Sidee ayaad u kobcin kartaa waxyaaba la xiriira hoggaanimada?

 Kasbashada waxyaabaha la xiriira hoggaanimada kuma imaadaan hal ama labo isbuuc, ama keli ah markii la fahmo macnaha hoggaanimda akhris ahaan (theory/nathari), balse waxay ku imaataa markii la dabaqo waxa la bartay, hagaajin iyo halayn ka dib.

1-    Barashada Qorsheynta

Maalin maalmaha ka mid ah, nin la yiraahdo Al-dharmaax bin Xakiim  oo ahaa nin gabayaa ah ayaa hor fariistay dad kuna yiri i waydiiya wax walba oo ku saabsan luqadda Carabiga ah maadaama aan dhammeeyey barashada luqaddaas oo aysan waxba iigu dhimanayn, qof ayaa weydiiyey waamaxay macnaha Al-dharmaax, haddaba waxa uu awoodi waayey in uu ka jawaabo, sidaas darted inta aadan la xadidin kooxdaada aragtidiina iyo ujeedooyinkiina waxaa khasab ah in aad adigu xadido aragtidaada iyo ujeedooyinkaada ka dibna isla jidkaas aad la raacdo kooxdaada.

  • Qeex aragtidaada: aragtidu waa waxa aad aaminsan tahay in aad u nooshahay iyo doorka lagaa rabo in aad gudato noloshaada, waxaad rumayn kartaa in aad u nooshahay inaad fidiso diintaada ama dadka wax barto ama in aad kaalmayso dadka madluumiinta ah iwm.
  • Tilmaanso ujeedooyinkaada: qeex tallaabooyinka kuu dhawayn kara aragtidaada ka dibna u kala qaybi heerar ka sii hooseeya.
  • U kala hormari wax qabadka sida baahidu u kala weyn tahay: mar walba waqtigu waxa uu ka yar yahay hawsha ku sugaysa sidaa darteed xoogga saar hawsha muhiimka ah, xusuusnowna in qorshahu uu yahay mid socda oo uusan ahayn mid qaadanaya bal qorshuhu waa mid is bedeli kara hadba sida guusha looga gaaro iyo marwalba waxa ku soo cusboonaado. 

2-     Awoodda dhiirigalineed

Dheerigelintu waa in uu gaaro qofku heer isaga oo faraxsan uu qabanayo shaqadiisa, si weliba is xilqaan shakhsi ahaaneed ay ku jirto, kooxdaada oo kaa hesho dhiirigelin macnaheedu waxa ay tahay in aad hesho wax-soosaarka heerka ugu sareeya iyo weliba in aad hesho kalsoonidooda  iyo kalgacaylkooda.

  • Baro furayaasha kooxdaada: sida albaab walba u leeyahay fure furo ayuu qof waliba u leeyahay fure, furehaas  oo ka caawinaya  hawsha u gudanayo si habsami leh, dadka qaarkood waxaa fure u ah in uu magaciisu muuqdo, qaar in la xasuusiyo aragtida nolasha uu ka leeyahay, qaar in uu lacag uu helo iwm.
  • Ku dadaal ammaanta kooxdaada: inkastoo ereyga wanaagsan uusan wax badan qaadanaynin haddana inta badan dadka ihtimaamka ma siiyaan, ereyga wanaangsan waxaa laga yaabaa qof noloshii in uu bedelo taasna wax fog ma’aha, sidaa darteed isku day in aad tixgeliso waxqabadka kooxdaada si kasta oo ay u yartahay kuna amaan adiga oo aan ku kalax tagayn.
  • Ku dadaal caddaanta aragtida iyo ujeedooyinka qof walba oo  kooxdaada ka mid ah, mar walbana xusuusi, kuna kaalmee qeexidda ujeedooyinka dhow kuna baraariji dowrka uu ku leeyihay in la xaqiijiyo ujeedooyinkaas.

3-     Baro naftaada si joogta ahana wax u baro

Inta aadan baran kooxdaada baro naftaada, waxaa laga yaabaa qofka in uu is yiraahdo muhiim ma’aha barashada naftayda ama xiriir lama laha shaqadaada, balse naftaada oo aad barato waxa ay kaa kaalmaynaysaa:

  • In aad mar walba daawayso dhaliilahaada kuwaasoo saamayn ku yeelan kara kooxdaada.
  • In aad u noqoto kooxdaada tusaale is-horumarinta iyo waxbarasha ka dib, waxaa kor u qaadmaya shaqada ay kooxdu qabanayso guud ahaan.
  • Waxaad ogaanaysaa qaybta kaaga aaddan howsha iyo qaybta ay tahay in aad u xilsaarto qof kale.

4-    Ku kalsoonow naftaada

Xusuusnow in uu Ilaahay kuu abuuray in aad ku lahaato noloshan dowr, wuxuuna ku siiyey awood kugu kaalmayso gudashada dowrkaas. Ku dadaal sidii aad u ogaan lahayd dowrkaas … naftaada u hormari si joogto ah, ujeedooyin waaweyn u deji, hana luminin kalsoonida naftaada aad ku qabto si kasta oo aad u qaldanto, khaladku waa dabeecada banii’aadanka sidaas darteed ka baro khaladaadkaada si aad horey ugu soccoto. 

5-    Baro sida loo xalliyo dhibaatooyinka

Waxaa wax la hubo ah in dhibaatooyin ay ku soo wajahayaan, qofka caqliga badani waa uu ka faa’iideystaa wuxuuna ka dhigtaa fursad uu wax ku barto si uusan mar kale dhib ugu imaan, iskuna day in aad dhibaatada salkeeda xaliso, haddiise aad dhayalsato waxa ay saamayn ku yeelan kartaa waxqabadkaada iyo midka kooxdaadaba.

Haddaba, sidee ayaad ula dhaqmi kartaa dhibaatooyinka kusoo wajaho, si ka qayb-qaadan karta horumarka kooxdaada. 

  • Hubi in dhammaan kooxdaadu ogaato dhibaatooyinka jira
  • Mar walba ku dadaal dhageysiga fikradaha ka soo yeero kooxdaada iyo baahidooda, sidoo kale waxyaabaha ay ka cabsi qabaan.
  • Kala qayb qaado soo jeedinta xalka dhibaatooyinka.
  • Ku dadaal in aad wada gaartaan xalkakamadambaysta ah ee dhibaatada, kaas oo ay raali kawada yihiin sida ugu dhow.

U soo jeedi dhaliilooyinkooda si degen: khaladka waa uu ka dhacaa qof walba oo banii’aadam ah, ku dadaal in aad u soo jeediso dhaliilahooda si degen, hana iska dhega tiring si aysan u sii waynaanin dhibaatada.

6-    Baro waddooyinka qaadashada go’aannada

  • Xaddid dhibaatada, dhibaatada oo aan si cad loo ogaan ama aan loo qeexin waxa ay keenaysaa in go’aan qaldan la qaato.
  • Xaddid xuluusha beddelka noqon karta, qiimayna ku samee dhibaatooyinka ka imaan kara.
  • Fuli go’aanka adiga oo aan wax labo-labayn ah kugu jirin.
  • Ku dadaal in aad la tashato kooxdaada

Waxaan ku kalsoonahay in aad haysato qaybo ka mid ah tilmaamahan aan soo sheegnay, isku day in aad kobciso si tartiib-tartiib ah ayay ku suulayaan dhammaan dhaliilaha, hana is dhihin ma ihi qof hoggaan ah, dad badan oo isu haystay in aysan hoggaan ahayn ayaa ogaaday in ay yihiin kuwa ugu wanaagsan hoggaan ahaan.

BY: AHMED-DAYIB SHEIKH OSMAN

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *