Xulbada Timaha Ayay Korisaa Daadashadana Way Ka Ilaalisaa

Kulanti wanaagsan, Waa xalqo cusub oo ka mid ah Cooking With Hafsa, waxayna ku saabsantahay sida xulbada timaha loogu nafaqeeyo:

Faaiidooyinka xulbadu ay timaha u leedahay waxaa ka mid ah:

-Borotiinka, nicotinic acids-ka iyo maadada lecithinare ee xulbaddu ay hodanka ku tahay waxay timaha ka xoojiyaan salka taasoo ka hortagta inay si fudud ku go’aan. Sidoo kale miraha xulbada waxaa ku jira hormoon la xaqiijiyay inuu timaha koriyo isla markaana daadashada ka ilaaliya.

-Xulbudu timaha ayay dhalaalisaa.

-Xulbadu waxay dawo ka tahay agoolka (dandruff).

-Xulbadu waxay ka hortagtaa cirrada waqtigeeda kasoo hormarta.

Hadaba Hafza ayaa natusinaysa sida timaha loogu nafaqeeyo xulbad iyo baamiye:

Ka faaidaysi wacan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *