Sida WhatsApp Loogu Isticmaali Karo Computer-ka

Adeegga sheekada iyo isu dirista sawirrada caanka ku ah ee WhatsApp waxa uu si rasmi ah u dhaqan geliyey barnaamij cusub oo u suurtogelinaya, in WhatsApp uu ku shaqeeyo Windows ka iyo barnaamijyada kale ee ay ka mid yihiin Mac Os, arrintaas oo muddo dheer dadka aadka u isticmaala WhatsApp ku ay sugayeen.

Sida lagu sheegay warkan oo aynu ka soo xiganay wargeyska caanka ah The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, hadda kadib waxaa barnaamijka WhatsApp lagu soo dejisan karaa kombiyuutarrada ku shaqaynaya Widows 8 iyo wixii ka sarreeya, iyo sidoo kale Mac OS 10.9 iyo wixii ka sarreeya, marka uu qofku ku soo dejisto Kombiyuutarkiisa ee uu isku dayo in uu ka shaqaysiiyo waxa uu farriin lambar fure ah (QR Code) ugu soo dirayaa talefankiisa gacanta ee uu WhatsApp ku ugu jiro, kadib lambarkaas uu soo diray ayaa la gelinayaa WhatsApp ka Kombiyuutarka. Markaa kadib WhatsApp oo ah isla akoonkiisii Talefanka gacanta uu ku lahaa ayaa qofka si caadiya ugu shaqaynaya Kombiyuutarkiisa.

Barnaamijka oo  aynu tijaabiney habkan cusub ee WhatsApp loogu soo dejinayo Kombiyuutarka si uu ula shaqeeyo akoonka WhatsApp ka ah ee ku jira Talefankaaga gacanta ayaa ku guulaysannay, waxa aan akhristayaasheena la wadaagaynaa dhabbaha ugu habboon ee ay ku gaadhi karaan Kombiyuutark u soo dejinta WhatsApp ka kaas oo ah; https://www.whatsapp.com/download

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *