Sida Ugu Sahlan Ee Dadka Aad Ugu Qancin Karto Fikirkaaga

qancinSi aad bulshada dhexdeeda ugu yeelatid saamayn badan waa inaad barata qaababka aad afkaartaada dad kale uga dhaadhicin lahayd iyo sida aad ugu qancin lahayd ra’yigaaga. Hadaba waxaan idiin soo  gudbinaynaa qodobo fudfudud oo aad raaci kartid, akhris wacan:

1. Iska ilaali muranka: muranku marna guul ku soo hoyi maayo, xita markaad muranka ku guulaysatid waxaad ku guul daraysan doonta waxyaabo kale oo badan.

2. Marna qofka kale ha ku odhan waad khaldantahay: qofna ma jecla in khaladkiisa lagu cadeeyo, markaa iska ilaali weedha ‘waad khaldantahay’.

3. Markaad khalad gasho markiiba khaladkaaga qiro: waa inaad si daacad ah u qirataa khaladkaaga intaanu qof kale khaladkaaga arkin.

4. Si qaboob oo dagan u bilaab hadalkaaga: kalamadaha aad ku hadlaysid adoo u fiirsanaya waa inaad si dagan hadalkaaga u gudbisaa.

5. Ku biloow su’aalo aad ogtahay inu qofka kale uu kugu jawaabayo haa.

6. Hadalka intiisa badan u daa qofka kale.

7. Qofka kale moodsi inu fikirkaa leeyahay: waydii su’aalo farsamaysan aad ku hagaysid wadada fikirkaaga.

8. Isku day inaad aragtidiisa wax badan ka fahanto.

9. U adeegso hadaf midaysan: markaad qofka wax ku qancinaysid waa inaad hadalkaaga ku dartaa wax labadiina idin ku jira ama nafci idin leh.

10. La soco qofka dareenkiisa: marku qofku xanaaqsanyahay waxba kuma qancin kartid, la soco dareenkiisa oo la eego mar uu qofku faraxsanyahay ama caadi iska yahay.

Xigasho: Faaido.com

Check Also

Shaqsiyad Wanaagsan

3 Arimood oo ka qayb-qaadan karta in aad dhisato Shaqsiyad Wanaagsan

1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn: Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *