Sida Ugu Fudud Ee Isku Jeclaysiin Karto Qof Aan Ku Jeclayn

  • Marnaba dhulka ha eegin marka aad la hadlaysid.
  • Hoy ka dhigo kalsoonida.
  • Indhaha toos uga eeg markaste oo aad la hadlaysid.
  • Ha iska dhigin waxaad ahayn, waayo waa waa daciif nimo.
  • Ahaw qof edeb leh.
  • Gacmahaaga ha u dhaqaajin meelaha, ha jaleecin midig iyo bidix sidii aad wax kale daydayaysid.
  • Si fiican u dhagayso.
  • Isku day inaad kaftanto, dulqaad yeelato, hana iska keenkeenin hadii aad karaynin.
  • Ula dhaqan sidii aanaad qofkan dan ka lahayn, si uu qofku iskugu dayo inuu kalgacalkaaga kasbado.
  • Aad ha u dhoollo cadayn, sabab iyo sabab la’aanba.
  • Waxkaste oo uu idhaahdo ha ku raacin, muran la’aan balse la falanqee adiga oon muran ka dooonayn oo inaad fikradaada iyo dhinaca aad wax ka eegaysid cadaynaya.
  • Sunniyaha oo kor aad u qaadid waxyar ka dibna hoos u dhigtid waxay calaamad u tahay saaxiibtinimada.
  • Ku dadaal style-kaaga iyo labiskaaga.
  • Isku day inaad gaar la noqoto hab dhaqankaaga, kana yeel in dhamaan dadku ku tabaan marka aad maqantahay.
  • Ha ku bixin dadaal badan inaad kasbato qalbigiisa, balse arimaha ka yeel inay si caadi ah u socdaan, adiga oon u muujinayn inaad khasab isku jeclaysiinayso.
  • U fiirso kalmad kaste oo afkaaga kasoo baxaysa waxa laga yaabaa inaad tidhaahdo hadal aan meesha qaban.
  • Marmarka qaarkood waa inaad u kaadisa qofkaas si uu isagu dhinacaaga usoo kaco.
  • Waa inaad u fiirsataa qaabka uu kuula dhaqmayo, waxa laga yaabaa inuu ku kaco waxyaabo aan kaa qaban.
  • Ha u badheedhin inaad ka muuqatid meelaha uu joogo, waxa laga yaabaa inay u muuqato inaad raadinayso, hana ku hadlin cod dheer marka uu isagu meesha joogo.
  • Dadka ha ka waraysan, waayo waa uu gaadhayaa warkaagu, waxaanaad noqonaysa qof baahan.

Check Also

Points to consider before Getting Married

By: KERRY PETSINGER Source: Jamiatul Ulama My husband and I have been married for 10 years. Here …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *