Sida Saxda Ah Ee Liin Dhanaanta Wajiga Loogu Qurxiyo

Qaabka Saxda Ee Loo Isticmaalo Liin dhanaanta (Lemon) Xagga Quruxda:

Lamuunka ama liinta waxaynu ognahay in ay hodan kutahay Vitamin C kaasoo kor uqaada maadada looyaqaan Collagen, maadadu waxay masuul katahay quruxda maqaarkeenna Alle inasiiye, sidaa darteed waxay liintu ka caawintaa qofka inbadan in madmadowga kabo’o sida haaraha iyo raadka finankooda waxay kaloo u fiicantahay dadka leh daldalloollada dhabanka gala iyo qofki raba in midabkiissii oo ka qayirmay uusoo ceshto (Walaalaha ufahma markasta in iscaddays aanu ku boorinno waxaan ka codsan lahaa si fiican in ay u akhriyaan qoraallada iyaga oo raalli ah).

liin dhanaantu waxay nuurisaa wajiga waxayna kaa qaadaa unugyada dhintay, sidoo kale waxay yaraysaa laalaabyada maqaarka ku samaysmo waxayna wajiga u kordhisaa iftiin.

Hadaba sidee sax ah oo loo isticmaali karaa maxaase khalad ah?

  • Wajiga dufanka leh oo aana isticmaalin abadan wax kiimika ah sitoos ah ayuu biyaha liinta oo aan waxba lagu darin u isticmaali karaa balse ugu badnaan 20 daqiiqo in uu kabadiyo maaha.
  • Wajiga qallaylka ah qaaddo yar malab iyo qaaddo yar ciir ah (fadhi garoor) (yogurt,) ayuu liinta kudarayaa illaa 5 dhibcood qiyaas ahaan 10 daqiiqo baa ugu badan inta uu marsanaan karo.
  • Ha ilaawin in aad wajigii aad liinta ka dhaqday wax dufana in aad marido waayo qallayl xoog ah ayee keentaa marka waa in gaashaan culus aad kagashaa qallaylka si faa’iidada liintana uhesho ugana badbaaddo dhibteeda.
  • Waxaa habboon oo kuna filan in 1 mar iyo maalin dhaaf loo marsado .
  • Natiijada Liinta waxay lamid tahay sida waxkasta oo dabiici ah masoo dagdagto oo waxay ubaahantahay joogtayn iyo sabar .
  • Waxaa MAMNUUC AH qof dawo boomaatto ah isticmaala in uu liintina marsado haddii uu dhakhtar uqoray hasugo muddada dawada inta ay uga dhammaanayso haddii kale oo uu isagu iskiissa u isticmaala fadlan iska jooji sababtoo ah liinta waxay samayn kartaa falgal kiimika ah taasoo kuu keeni karta in aad wajiga ka gubato.
  • Liinta marsashadeeda iyo qorraxda kala dheeree maadaama ay liinti ka koobantahay (acid) dhibaato ayee keenaysa marka aad qorraxdii usoo bandhigto maqaarkii liinta aad marisay sidaa darteed waxaa habboon habeenkii in lamarsado.

W/Q: Faati M. Osman

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *