Sida Loo Sameeyo Go’aan Wanaagsan Oo Waxtar Leh

Qormadaan waxaan kuugu soo bandhigi doonaa sida loo sameeyo go’aano wanaagsan oo waxtar leh.

Go’aanadu waa seed-ka isku badala geedaha kuwaasi oo ka masuul ah waxkasta oo kugu dhaca mustaqbalka noloshaada. Waxkasta oo kugu dhacaya imika iyo dareen kasta oo aad dareemayso waa natiijada ka dhalatay go’aanadii aad hore u samaysay.

Ogaanshaha aad ogaanayso sida loo sameeyo go’aano fiican oo waxtar lihi waxay kaa caawin doontaa inaad awood u yeelato inaad qaabayso mustaqbalkaaga aanad ku guulaysato hadafyadaada.

Waxaa jira waxyaabo badan oo carqalad ku ah inaad samayso go’aano, haddii aad ka gudubto caqabadahana go’aanadaad samaysaa waxay noqon doonaan qaar aad waxtar u leh. Inaad barato sida loo sameeyo go’aano waxtar lihina waxay kugu hogaamin doontaa inaad inaad ku noolaato nolol farxad leh. Taasina waa ujeedada aan qormadan kuugu soo bandhigayo.

Ha qaadan go’aan marka niyadaada ama dareenkaagu kacsan yahay

Ma la socotaa marka aad niyad kacsan tahay am dareenkaagu aad u kacsan yahay aanad awood u lahayn inaad isticmaasho qeybo badan oo ka mid ah maskaxdaada, tusaale aan usoo qaadanno cadhada, markaad cadhooto maskaxdaada waxaa ka buuxsami doono ay sawiran doontaa burbur aargudasho iyo rabshad awoodna u yeelan meysid inaad isticmaashid oo aad ku fikirto fikrado fiican sidaasi si la mid ah marka aad u faraxsan tahay waxaad isticmaali doontaa oo keliya dareennada aadka u fiican waxaana meesha ka bixi doono inaad ku fikirto oo aad ku xisaabtanto dareennadii dareennadii saamaynta xun kugu yeelan kara go’aanka aad samaynayso. Hadaba hadii aad rabto inaad qaadato go’aam fiican hubso inaad maskax ahaan u degen tahay islamarkaana aanay saamayn kugu lahayn niyad kac ama dareemo xooggan oo kale go’aanka. Qoraalkaan akhriso:

Cabsidu sidoo kale waxay ka mid tahay waxyaabaha saamaynta ba’an ku leh inaad samayso go’aan fiican. Hadii cabsidu dib kaaga hayso inaad go’aan fiican samayso baro sida loola tacaalo cabsida loona horumariyo dhiirranaanta.

Isticmaal Garaadkaaga Daahsoon (Sub-conscious mind)

Garaadka daahsoon ee qofka wuxuu aad uga awood badan yahay garaadka soo jeeda loo yaqaanno conscious mind. Hadii aad isticmaashid garaadkaaga daahsoon waxaad awood u yeelan doontaa inaad samayso go’aano waanagsan. Hada sidee u isticmaali kartaa garaadkaaga daahsoon. Seexo adigoo go’aankaa maskaxdaada ku haya ka hor inta aanad gaarin go’aankaan inta aad hurudo garaadkaaga daahsooni wuxuu xal u raadin doonaa dhibaatadaa, wuxuuna kusoo bandhigi doonaa xalka islamarka uu xal u helo, islamarka aad ga fikirto dhibaato signal ayaa loo dirayaa garaadkaaga dahsoon waxa ayna bilowdaa inay xal raadiso, xitta haddii aanad ka fikirayn dhibaatadaa garaadkaaga dahsoon wuxuu ka sii shaqayn doonaa dhibaatadaa adigoo aan dareemayn.

Uruurso Xog Badan:

Mid ka mid ah waxyaabaha aadka ugu muhiimka ah go’aan qaadashadu waa inaad xog raadiso, isku day inaad xog uruuriso xittaa haddii aanad hayn waqti kugu filan. Suurtagal ma ahan inaad hesho xog badan oo ku saabsan wax kasta isla waqtigaa doonto waa inaad isticmaashaa oo keliya xogta aad heli karto ee la xidhiidha arrintaada.

Sawirada Iyo Qiyaas Maskaxeedka:

Inaad sii qiyaasato oo aad sii sawirato natiijada ka dhalan karta go’aankaagu waxay kaa caawin kartaa inaad samayso go’aan fiican. Iskuday inaad fadhiisato meel degan intaas kadibna isku inaad qiyaasato oo aad sawirato natiijada go’aano kala duwan. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad go’aan fiican sameyso.

Labo Maskaxood  Waxay Ka Fiican Yihiin Hal Maskax:

Haddii aad hayso hal fikrad, saaxiibkaana hayo fikrad kale inaad isku dartaan fikridihiinnu sameyn mayso oo kelia labo fikradood, balse waxaad heli doontaan fikrado badan. Haddii aad waqti u hesho inaad la fadhiisato qof aad arrintaada kala xaajooto, waxaad heli doonta fursado badan oo ku sameynayso go’aan fiican sababtoo ah waxaad heli doontaa xog ka badan xogta aad horay u haysay.

W/D: Ustaad Cabdirisaaq Faarax

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *