Sidee loo Ogaadaa Qofka Ku Jecel?

Sidee loo ogaadaa qofka ku jecel, Si ka duwan sida dad badan aaminsan yihiin inaad ogaato in qof ku jecel yahay iyo inkale waa wax aad u fudud, waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad indhahaaga u furto calaamadahaan soo socda, maskaxdana ku haay in calaamad kaliya aanay ku filnayn inaad ku ogaato inuu qof ku jecel yahay iyo inkale.

Calaamadahi waa kuwo qofku uu muujinayo isagoo aan iska warhayn ama moogan hadana waxay kuu saamaxaysaa inaad ogaato qofka ku jecel.

  1. Qofka oo aad kuugu soo dhawaada: marka aad jeceshahay ama aad xiisayneyso waxaad badanaa jeclaysataa inaad ku dhawaato qofka marka la barbardhigo inta aad u jirsato ama aad u dhawaato dadka kale. Sidoo kale waxaad ogaan doontaa in qofka ku xiiseeyaa uu istaago masaafo aad kuugu dhow marka loo barbardhigo dadka kale.
  2. Qofka oo faraxsanaada marka aad la joogto: qofka oo dhoola cadeeya marka uu kula hadlayo, xattaa iyadoon jirin sabab fiican oo lagu dhoola cadeeyo waa calaamad kale oo weyn oo cadayneysa qofka ku jecel.
  3. Dhoola cadayn aan horay u qarsoomin: Dhoola cadaynta qofku horay uma qarsoonto hadii qofku aad kuu xiisaynayo, dhoola cadaynta beenta ahi horay ayay u qarsoontaa halka dhoola cadaynta dhabta ahi xoogaa ay sii muuqato inta aanay qarsoomin.
  4. Dabeecada qofka oo isbeddesha: Qofka oo maalin  aad kuugu fiican maalinna ku inkira waa calaamad jacayl oo aad u wayn. Sababta ka dambaysa arrintaani waxay tahay marka hore qofku wuxuu kuula dhaqmayaa si aad u fiican sababtoo ah wuu ku jecel yahay laakiin marka uu xaqiiqsado inuu dadaal aad u badan sameeyay isagoon kaa helayn wax jawaab ah bilaabaa inuu dib isku qabto.
  5. Saaxiibadaa waa dad aad u fiican: Qofka oo bilaaba inuu aad u daneeyo saaxiibadaa aadna ugu fiicnaada ama usoo dhaweeya waa calaamad kale oo aad u xooggan gaar ahaan hadii qofku aanu xiiseyn jirin markiisii hore.
  6. Qofka oo markasta kaa sheekeeya: Marka uu qofku jecel yahay qof kale waxa uu badanaa uu jeellanaadaa inuu ka hadlo ama ka sheekeeyo qofka uu jecel yahay
  7. Qof oo markasta jecel inuu ku arko: Qofka oo maskasta jeclaada inuu ku arko islamar ahaantaana aan ka marmaamin aragtidaada waa calaamad kuu miijinaysa inuu qofku ku jecel yahay.

W/D: Cabdirisaaq Faarax

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *