Sida Loo Maareeyo Khatarta Ganacsiyada Yar-Yar

Ma jiro qof abuura ganacsi yar ee iska ilaalin kara Qatar. Hadii qaar ka mid ah Qatar ta iyo qasaaraha aadan aqbalin, waad quusaysaa, laakin hadana waad maarayn kartaa Qatar ta iyo qasaaraha.

Qof kasta ee bilaabay ganacsi cusub waa uu garanayaa qasaaraha……… fursad kasta waxa ay wadataa guul dahabi ah ama qasaare kula daga gabi ahaanba… waxa is waydiinta mudan waa in aa dog tahay inta ay le’eg tahay qasaaraha ku gaari kara.

Waxa aad raacaysaa dhawr kan hab ee wax badan kaa kaabaya in aad xakaymayso ama aad yarayso qasaaraha kusoo gaari kara si aad uGu gaashaamato lama filaan.

1. SIYAASAD / QORSHE

Inta aad ku guda jirto fulinta mashaariic da markaa socda, isku day in waqtigaa la joogo aad ku fikirto figrad iyo qorshe cusub. Waxaa laga yaabaa in aad hesho qorshe curdan ah oo faa’ido balaaran aad ka hesho. Isbadalka wanaagsan waxa uu dhacaa marka mashruuca lagu guda jiro dhinacyo badan laga eego.

2. QARASH

Ku talo gal ganacsi kasta ee aad bilaabayso ugu yaraan 1/3 qarash dheeri ah oo noqon doona kaabe hadii qarash ku kala go’o. 90% ganacsiyada yar-yar, waxaa ku dhaca kala go’ qarash. Weligaa ma aragtay shirkada ama mashruuc hakad galay ama aan la dhamaystirin. Waxaa sabab u ah qiyaas la’aan ta qarashka ku bixi-doona.

Waa in aad si dheeli tiran ugu xisaab tan taa maal-galinta hora. Qarash ka baxaya, daqliga kusoo gali doona, suuq galinta, mushaar ka shaqaalaha, iyo meel kasta ee aad qarash uga baahan doonta inta ganacsigu yahay bilow.

3. HOWSHA

Shirkadda marka la dhiso ee ay howl gasho, macna heedu ma ahan in aadan isbadal iyo horumar ku samayn Karin sida howsha loo qabanayo. Waxa aad dib u eegi kartaa naqshada howl qabasha daada, sida howshu u socoto, adiga oo hagaajinaya meelaha qaldan…. Dhisaya hufnaan iyo kor u qaadida kayd ka. Markasta horumari sida howshu u socoto.

4. KOBACA

Kobacu waa labo nuuc. Waxaa Qatar badan kobac hal mar ah oo sababa in shirkadu xamili waydo oo ay dunto isla markiiba. Waxaase haboon in si dagan oo isku dheeli tiran aad u kobacdo, adiga oo xamili kara dalabka macaamiisha si waafi ah.

5. QATAR GUUL DARO.

Guul-daradu waa cashar iyo fursad aad isbadal ku samayn kartid. Waxaa la ogaaday in inta badan dad ka bilaaba ganacsi yar ay qasaaraha ka bartaan faa’ido. Qasaare muddo yar ahi waxa uu horseedaa guul muddo dheer ah. Mar kasta ee aad qasaarto waa guul ka mid ah qibrad aad ugu durkayso dhan ka guusha.

6. QATAR SUUQ GAYN DHAQSO AH.

Suuq gayntu waa qorshe muddo dheer ah. Ma ahan HADA wax ah. Ku xisaabtan in macaamiishu yihiin maalgashi muddada fog ah.

Guul daradu waa qayb ka mid ah nolosha, Gaar ahaan marka aad tahay hal-abuur ganacsi, laakiin hadii aad ku guulaysato sida loo maareeyo ama xakameeyo qasaarahaas waxa hubaal ah in aad guulaysanayso.

ABDULKADIR A. ADAN

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *