5 Arrimood Oo Lagula Dagaallamo Calaamadaha Gabowga

astaamaha gabowga,

Dabayaaqada dhalinyaronimada illaa inta uu da’da isu dhiibayo, waxa ugu badan ee uu qofku ka warwaraa waa gabowga, waxa aanu dagaal la galaa calaamadihiisa, oo uu ugu horreeyo coodhcoodhku. Sidaa awgeed shirkadaha soo saara waxyaabaha la isku qurxiyaa waxa ay lacag badan ka sameeyaan iibka kiriimada iyo dawooyinka jidhka giijiya ee midabka iyo muuqa dhalinyaronimada ilaaliya. Dawooyinka la adeegsadana waxaa ugu caansan irbadda Botogos (Botox) oo si muuqata ula dagaallanta coodhcoodhka jidhka.

Maadaama oo ay muddooyinkan dambe soo badanayaan raadadka xun ee ka dhasha dawooyinku, waxaa soo badanaya isticmaalka dawooyinka aan kiimikada lahayn iyo hababka dabiiciga ah ee gabowga lagu dili karo. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah hababka iyo dawooyinka dabiiciga ah ee calaamadaha gabowga la dagaalama:

Hurdada: Ku dadaal in hurdadaadu aanay ka yaraan 8 saac habeenkii. Hurdo la’aantu waxa ay indhaha hareerahooda ku samaysaa madow, dhafoorrada iyo dhabannadana waxa ay saartaa dahaadh qofka u ekeysiiya da’ 10 sano ka weyn tiisa runta ah.

Biyaha: Dadka jidhkoodu ingagga yahay waxaa ku soo degdega coodhcoodhka. Sidaa awgeed haddii maaqarkaagu uu ingagan yahay ku dadaal in aad si joogto ah ugu dhaashida kiriimada iyo saliidaha jidhka qooya. Laakiin kiriimadaasi dusha sare ayaa ay ka qoynayaan maqaarka, kumana filna in ay qooyaan, shayga ugu habboon ee maqaarka hoos ka soo qooyaa waa biyaha. Ku dadaal in aad maalin kasta cabto ugu yaraan 8 koob oo biyo ah. Waxa kale oo aad isticmaasha faytamiinnada maqaarku u baahan yahay si aanu u midab guurin, dhalaal dabiici ahna u yeesho.

Kalluunka: Kalluunka darayga ahi waxa uu jidhka siiyaa maaddooyin la dagaalama mariidka (Sunta cuntada ka samaysanta), isla markaana waxa uu dilaa maaddooyinka iyo walxaha dhaawaca gaadhsiiya unugyada maqaarka iyo kuwa jidhka ku keena calaamadaha gabowga.

Kalluunka oo hodan ku ah dufanka asiidh ee Omega3  oo lagu yaqaanno in uu ilaaliyo jileeca iyo dixiinnimada maqaarka, kana hortago ingagga iyo coodhcoodhka.

Macmacaanka: Sonkortu waxa ay ka mid tahay cadowyada ugu khatarta badan ee maqaarka dila. Waxa uu ka hortaggaa in jihdku uu soo saaro maadaddooyinka Collagen iyo Elastin, oo labaduba ka masuul ah in ay maqaarka ka dhigaan mid jilicsan oo dhalinyaronimo ka muuqato. Iska jir isticmaalka sonkorta iyo guud ahaan macmacaanka, waxa iyaduna la mid ah Alkahoosha.

Qurxinta wejiga: Marka uu coodhcoodhku ku bilowdo maqaarka wejigaaga, waxa aad ka dheeraataa bootarrada iyo walxaha kale ee wejiga la mariyo marka la qurxinayo, waxa aad ku beddeshaa kiriimada iyo dareereyaasha iyaga laftoodana la isku qurxiyo. Waxaa la ogaaday in bootarka iyo walxahan oo ay ku jiraan kuwa lagu baabi’iyo madowga indhaha ku wareegsani ay sii badiyaan coodhcoodhka iyo calaamadaha gabowga. Walxahaas weji qurxinta loo adeegsado ee keena khatarta gabowga waxaa ka mid ah, bootarrada ‘Foundation’, ‘Blusher’ iyo ‘Highlighter’ oo badankooda aad looga isticmaalo goobaha weji dhiska iyo qurxinta dumarka.

Retinol: Retinool waa maaddo laga soo dheego Faytamiin A, waxa aanay si weyn u caawisaa dib u cusboonaanta unugyada iyo in jidhku soo saaro maadadda Collagen, sidaa awgeed ayaanay maqaarka ka dhigtaa mid aan isku dhacsanayn, oo giijisan. Marka aad kiriimada wejiga iibsanayso xasuusnoow in aad iibsato kuwa leh ama ka samaysan maadadda Retinol.

W/T: Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *