Sida Loo Dhiso Hadafka

Ugu’horrayntii su’aasha muhiimka ah waxa ay tahay.

– Sideen ku xaqiijin karnaa go’aamada aan qaadano in ay noqdaan kuwa shaqeeya oo aan laga quusan muddo gaaban gudahood ?

Hadaba waxaan isku dayayaa in aan ka jawaabo su’aashaan inkasta oo aan doonayo in su’aashu ay noqoto mid furan oo cidkasta ay ku soo kordhin karto aragtideeda ku aadan mowduucan si’ dadka oo idil xikmadooda loogawada faa’ iidaysto.

Waxaan doonayaa in aan halkaan ku soo koobayaa 6 qodob oo aan isleeyahay waxa ay ka qayb qaadan karaan in ay qofka ka caawiyaan in noqdo qof go’aan leh oo wax hiigsanaya, hadaba waxa ay kalayihiin :

1. Isku day in aad ogaato waxa aad ku wanaagsan tahay :

– Waxaa muhiim in aad kala ogaato waxa aad ku wanaagsan tahay iyo waxa aad xiisaynayso in aad samayso, Waayo marmarka qaar waxaa dhacda in aad katagto wixii aad ku wanaagsanayd adiga oo raadinaya waxa aad xiisaynayo taasoo sabab u noqota in waqti badana uu halkaa kaaga lumo adiga oo aan ka’ gaadhin natiijo lataaban karo , Hadaba waxaa haboon in aad diirada saarto waxa aad ku wanaagsan tahay taasi ayaa ku dhaxalsiinaysa in ay kuu sahlanaato wadada aad umari lahayd guusha.

2- Go’aanso waxa aad hiigsanayso isla markaana Go’aamadaadu ha’ noqdaan kuwa macquul ah misana aad hanan karto, una’ samayso wakhti xaddidan ( wakhto go’an) oo aad ku gaarto :

– Waa muhiim in aad is waydiiso go’aanka aan qaadanayo ma yahay mid aan ka guul gaari karo ? mise waa mid ku dhisan xamaasad iyo riyo ?
Tusaale : waxaad u baahan tahay in aad iswaydiiso !

A- Waxa aad doonayso in aad hiigsato ( gaarto) ?

B- Waddada aad doonayso in aad u marto ?
Waa in aad ogtahay wax yaaba aad u baahan tahay si’ aad u gaarto halka aad hiigsanayso waayo hadii aad ogtahay wax yaaba aad u baahan tahay in aad samayso waxaa kuu sahlanaan doonto in aad qiimaysato wakhtiga ay kugu qaadan karaan.

C- Wakhtiga aad doonayso in aad ku bixiso ?
Ma wakhqi go’an baa mise waa wakhti furan oo aad doonayso in aad waddo noolashaada oo idil.

D- Waxa kugu kalifay in aad go’aankaan qaadato iyo Faa’ iidada kuugu sugan hadii aad ka guul gaarto ?

Su’aalahaan oo aad jawaab u hesho waa qayb kamid ah aas aaska go’aan dhisida maxaayeelay waxaa kuu muuqanaysa halka aad hiigsanayso iyo qaabka aad u doonayso in aad ku gaarto iyo mudada aad doonayso in aad ku bixiso iyo ulajeedka ka dambeeya in aad qaadato go’aankaa.

3- Samayso Jadwal aad Raacdo :

– Waxaa aad u muhiim ah qofku in uu samaysto jadwal wakhtiyaysan oo uu raaco waayo jadwalka wakhtiyaysan waxa uu kuu sahlayaa in aad la socoto hadba wixii isbaddel ah ee aad samaysay mudadi aad u qorshaysay in aad ku gaarto halkii aad hiigsanaysay. Islamarkaana waxaa kuu sahlanaanaysa in aad xakamayso wakhtigaaga, Hadii aad wakhtigaaga xakamayn kartana ogoow wax waliba waad maarayn kartaa , isbaddel lataaban karana waad la imaan kartaa.

4-Isku day in aad ka fogaato wax kasta oo sabab u noqon kara in uu burburo go’aankii aad qaadatay :

– Tusaale hadii aad go’aansatay in aad wax barato iskuday in aad ka fogaato dadka aragtidoodu ay tahay in aan waxba labaran karin , waxba la noqon karin waayo dadka sidaa u fakiraya waxaa la arkaa go’aankii aad qaadatay in ay si xun kuugu fasiraan kadibna aad ka niyad jabto halki aad hiigsanaysay.

Sidoo kale hadii aad go’aansatay in aad balwad iska joojiso ugu horray waa in aad ka fogaataa wax kasta oo keeni kara in aad dib ugu laabato balwadii aad joojisay, Haday ahaan lahayd asaaxbti aad wadaagi jirteen balwada.

5- Raadi wax kasta oo keeni kara in ay kugu dhiiro galiyaan go’aanki aad qaadatay :

– Hadaba waa muhiim in aad hesho wax kugu dhiiri galiya waxa aad hiigsanayso, waayo dhiiri gelintu waxa ay qofku siisaa in uu ku dhiirado siduu u hanan lahaa wixii uu hiigsanayay, sidaa awgeed qofku waa in uu raadiyaa wax yaabaha sabab u noqon kara in ay ku dhiiri galiyaan go’aankii uu qaatay. Hadii ay noqon lahayd in aad la xiriirto dad aad isku aragti katihiin Go’aanki aad qaadatay oo talo amaba tusaalooyin aad ka hesho. amaba in aad baarto mowduucyada ku saabsan go’aanki aad qaadatay si aad halkaa uga hesho talooyin waxtar kuu leh amaba ku dhiiri galiya.

6-Dulqaad u lahaaw Naftaada:

– Waxaa muhiim ah in aad ogaato marwaliba sidaad wax u qorshaysatay uma dhacayaan waayo mar’marka qaar waxaa suurtagal ah in aad qaado waddooyin badan oo aan ku gaarsiinayn halki aad hiigsanaysay sidaa awgeed waa in aadan ka quusan go’aankaagii aad qaadatay balse hadii aad dareento culays iskuday in aad wax ka badasho habakii ( qaabkii ) aad u qorshaysatay in aad u marto halkii aad hiigsanaysay balse waa in aadan baddelin halki aad hiigsanaysay ee hadefkaagu uu ahaa,

Hadiise ay dhacdo in ay wax iska baddelaan aragtidaadii ku aadanayd halki aad hiigsanaysay waxaa kuu furan in aad baddesho balse inta aadan isbaddelka samayn waa in aad sii qorshaysataa wax kale oo aad hiigsanayso maxaayeelay wakhtigu waa waa dahab haduu ku dhaafana sooma noqonayo sidaa awgeed adiga oo aan qorsho kale haysan ha iska furfurin go’aankaagii hore.

Via: Dhalinta Maanta

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *