Sida Loo Baabi’iyo Qalaylka Iyo Dildilaaca Cirbaha

Sababaha keena dildilaaca iyo qalaylka ciribta waxaa ka mid ah qoyaan la’aan, , cunto xumi, gabowga, saacado dhaadheer oo la taagnaado cayilka badan,  xirashada kabo aan ku haboonayn cagaha iyo  inaan si wanaagsan loo xanaanayn cagaha.

Dildilaaca cirbaha waxay hoos u dhigaan quruxda cagaha mararka ka qaarna waxay keenaan infekshano balse waxaa lagu daawooyin tallaabooyinkaan daryeelmagazine.com hoos ku xusayo.

1. Xoq cagaha:

Cirbaha oo si adag loo xoqo waxay kaa qaadaysaa haraga dhintay (dead skin)

  • Inta aadan seexan hor, waxaad isku qastaa biyo qandac ah iyo saabuun
  • Cagaahaaga ku qoo biyaha qandaca ah ee saabuunta leh.
  • Isticmaal buraashka lagu xoqo cagaha. Si wanaagsan u xoq cirbaha.
  • Biyo nadiif ah iska mayr cagaha kadibna iska qallaji adigoo isticmaalaya shukumaan jilicsan.
  • Cagaha kareem marso kadibna xiro sigisyaan (Socks) jilicsan oo suuf ka samaysan kadibna ku seexo.

 

2. Cusbada badda (sea salt):

Cusbada baddu way qurxisaa cagaha waxay ka dhigtaa kuwa qoyan.

  • isku qas koob barkiisa cusbada badda ah iyo biyo qandac ah
  • Ku qoo cagaha oo ku hay mudo 10 daqiiqo ah
  • Xoq cagaha adigoo isticmaalaysid geedka lagu xoqo (pumice stone).
  • Cagaha kareem marso oo xiro sigisyaan.

 

3. Saliid qumbe:

Saliida qumbaha waxay daawaysaa qalaylka iyo dildilaaca cagaha. Waxay qoysaa cagaha waxay la dagaalanta cudurrada bakteeriyada.

  • Inta aadan seexan ka hor ku qoo cagahaaga biyo qandac ah kadibna xoq.
  • Qallaji cagaha oo marso saliid qumbe.
  • Xiro sigisyaan jilicsan oo nadiif ah kadibna ku seexo.
  • Subiixii markaad soo kacdid iska bixi sigisyaanta cagahana iska mayr.
  • Habeen kasta sidaan samee ilaa natiijo aad ku qanacdid  ka arkaysid.

 

4. Glycerin

Waa qaab kamid ah siyaabaha aad cagaahaga u nadiifin karto . Glycerin Waxaa laga helaa farmashiyaasha.

  • Waxaad isku dartaa Glycerin, liin dhanaan iyo biyaha ubaxa ( rose water waxaa laga helaa badanka dukaamada carabta).
  • Cagaha marso.
  • U daa mudo 20 daqiiqo ah.
  • Sidaan samee maalin kasta mudo 2 asbuuc ah.

Waxaad dareemaysaa is badal fiican oo ku raali galiya insha allah

Check Also

astaamaha gabowga, cimri degdega, duqnimada

5 Hab Oo Loola Dagaallamo Calaamadaha Gabowga

Dabayaaqada dhalinyaronimada illaa inta uu da’da isu dhiibayo, waxa ugu badan ee uu qofku ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *