Sida La Iskugu Qurxiyo Qajaarka (Cucumber Mask)

Qajaarku wuxuu ka koobanyahay fitaamino badan oo aad ugu fiican maqaarka. , wuxuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka hortago coorcoorka (wrinkles)  iyo inuu bi’iyo meelaha cuncunku ku dhaco, Waxuu daaweeyaa madowga fuula indhaha hoostooda (under eye dark circles) maqaarkana wuxuu siiyaa dhalaal, nadaafad iyo qurux.

Si uu u helo jirkaagu fitamiinadaas waxaad samayn kartaa sidan:

  • Waxaa muhiim ah inaad u dhaqdid sifiican wajiga kadibna aad isticmaashid qajaarka.
  • Qajaarka wareeg u jarjaro oo wajiga saaro, ilaa uu qoyaanku ka dhamaado qajaarka.
  • Qajaarka diir, kadibna shiid oo wajiga saaro, 20 daqiiq kadib iska dhaq. Hadii meel ku cuncunayso oo aad xoqdo waxaad marsataa qajaarka shiidan kadib ka dhaq 20 daqiiqo kadib, insha Allaah natiijo waad heli.
  • Qajaarka caano yar waad kula shiidi kartaa, sababtoo ah caanuhu waxay ka hortagaan coorcoorka (wrinkles) kadib wajiga saaro sidii maske ahaan,  iska dhaq 20 daqiiqo kadib.
  • Maqaarka saliida leh (oily skin): Waxaad u baahan tahay, Boorash/ oatmeal, Olive oil, cucumber/qajaar iyo Yogurt. Isku wada qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga mayr biyo cad.
  • Maqaarka qalalan (dry skin): waxaad isku shiidaa jeex moos ah,  jeex qajaar  ah, 1 qaado oo  malab ah iyo 4 qaado oo liin dhanaan ah, kadibna wajiga ilaa qoorta marso adigoo isticmaalaya faro nafiif ah kana ilaali inuu gaaro indhaha. 30 daqiiqo kadib iskaga mayr biyo qandac kadibna iskaga qallaji shukumaan nadiif ah.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *