Sida La Iskaga Ilaaliyo Duuduubka Ku Yimaada Oogada Sare Ee Jidhka

duuduubkaSida caadiga ah jidhku waxa u sameeyaa laalaab waana arin dhibaato ku ah dadka oo ayan jeclayn hadana aad arkaysid in ay dadka qaar  la dhibaatoodaan  oo ay u taag laa`yihiin gaar ahaan haweenka oo iyagu aan jeclayn in jidhkoodu kogo ama duuduub yeesho iyaga oo doonayana sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen.

Si aad uga hortagto Waxad soo qaadanaysaa xoogaa  liin banbeelmo ah waxad ku qastaa lim dhanaan waxanad  ku dabooshaa weel. Adiga oo aad u qasaya , Mudo aan badnayn ka dib soo maydho  adiga oo isticmaalaya saabuun aan lahayn maadooyinka jidhka dhiba.

Adiga oo qalalan soo qaado mulqaacadoo oo ah  casiirkii aad qastay kadibna mari jidhkaada una kaadi ilaa mudo 10 daqiiqo ah markaas kadib mar labaad ka soo maydho Balse waxad ka digtoonaa in aa isticmaasho weel caag ah ama macdan ah laakiin waxa fiican weel quraarad ka samaysan.

Hadii aad qaabkaa isticmaasho dhor jeer gaar ahaan xiliyada qabowga caadiga ah oo aan ahayn midka barafka ah waxa jidhkaagu noqon doonaa insha Allah mid jilicsan oo aan lahayn wax duduub ah gacantuna ay ka dareemayso dabacsanaan.

Waxyaabaha kale ee kaa caawin kara inaad jidhkaaga ka ilaalisid duuduubka waxaa ka mid ah inaad hurdo kugu filan seexatid habeen kasta, inaad ka fogaatid cabista sigaarka, inaad badsatid cunista khudaarta iyo kaluunka iyo inaad iska ilaalisid walbahaarka iyo welwelka badan.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *