Sida Aad Mobil kaaga Ugu Qancin Karto Gacaliyahaaga Ama Gacalisadaada

Maanta qofkasta wuxuu haystaa mobil, laakiin ma ku isticmaalno masejka inaan ku raaligalino dadka aan jecelnahay xaaskayga / ninkayga iwm markay caroodaan.

Igahoo kalmado aad ku oran kartid:
Waxaan leeyahay qalbi aan qalafsanayn oo aan kugu daawan karayn carada, caqli aan iloobin wanaagaaga iyo jaceelkaaga..waxaan leeyahay qof aan jecelahay la’aantiina aanan waxba ahayn ..caradiisana aanan xamili karayn.

Hadaad carootid waan ku raali galin aanoo kuu dhiibaya cumrigayga hadaan caroodo kaama caroodo adigoo ah qaaligii hadaad amartid ruuxdayda waxaad arki inay ku maslaxayso hadaad amartid indhahayga sakan gudahood ayay kuugu iman.ee bas ka dheh oo naftayda ha ku dilin caradaada.

Laabtaydu way diiqadoon hadaad iga tagtid..ruuxdayda ayaad ciriiri galisay hadaad iga carootid..waanan dhiman hadaad qarkayga jeclaatid.

Iisoo dabac xabiibi oo ila hadal qalbigaygu wuu xanuusaday..imaqashii codkaaga kaliya aan boogsadee.daawadaydu waa adoo carada daaya oo iisoo noqda.

-Ha caroon oo ha dhibin dareenkayga laabtaada wax xun ha galin anoo laabta wanaag kuugu haya waan ku raali galin si nolosheenu ubax u noqoto, aniga iyo adiga ma kala maarannee soo dabac oo sidaadi ku soo noqo, la aantaa waa aduunka oo qorax la aan ah.

W/Q: Sucaad A Maxamed

Check Also

4 Talo oo ka qayb qaadan karta in aad kordhiso jacaylka ay xaaskaagu kuu qabto !

1. Noqo mid u damqada oo fahmi kara dereenkeeda : Mararka qaar waxaa dhacda walaalku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *