Qaabab Dabiici Ah Oo Looga Takhalusi Karo Dhiig Karka

dhiig karka1Dhiig karku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee ugu badan dunida maanta, si isku mid ahna khatar ugu ah rag iyo dumar iyo weliba da’aha kala duwan ee dadka, taas oo aad uga fog sidii hore looga bartay ee ahayd in uu ku koobnaado dadka da’da weyn o keliya. Waxaa xusid mudan in Dhiig karku uu ka mid yahay cudurrada dhuunta ee in badan ay dhacdo in aanu qofku hore isugu ogaan, waxase jira calaamado guud oo lagu garan karo in kasta oo ay xanuunno kalana calaamado u noqon karaan, waxaana ka mid ah, madax xanuun, dawakhaad, neefsiga oo qofka cidhiidhi ku noqda, daal iyo burbur iyada oo aan hawl la qaban iyo mushkilado dhinaca aragtida ah.

Waxaa waajib ah in bilowgaba uu qofku u tago dhakhtar takhasus ah oo baadha sababta dhiig karkan ku keentay, waayo dhiigkarku waa cudur khatar ah oo keena dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin, qofka oo wadnaha uu dhiiggu ka xidhmo. Aragga iyo maqalka oo dhibaato ku timaaddo, dhaawac soogaadha kelyaha iyo mushkilado kale, sidaa awgeed dhiigkarka waxaa lagu naanaysaa dilaaga aamusan, khatarta uu keeno awgeed.

Caadi ahaan arrimaha dhiig karka keena waxaa ka mid ah:

– Badsashada cuntooyinka milixdu ku badan tahay, cuntooyinka qasacadaysan, mac-macaanka badan, iyo cuntooyinka sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay sida baradhada.

– Kalastaroolka dhibta leh oo ku bata jidhka, waxa aanay inta badan ka timaaddaa cunista badan ee cuntooyinka leh dufanka xoolaha oo ay raacday dhaq-dhaqaaq yaraan iyo iin qofku uu jimicsi samayn waayo.

– Halbawlaha dhiigga oo cidhiidhi noqda.

– Cunista dawooyinka qaarkood, oo keena dhiigkar.

– Mushklad caafimaad oo dhinaca kelyaha ah. Iyo sababo kale oo badan.

Warbixin lagu baahiyey shabakadda Health Mind Bodies ee arrimaha caafimaadka ka faalloota ayaa sheegaysa in qofka qaba dhiig karku ay tahay in uu beddelo gebi ahaanba hab-nololeedkiisa, oo aanu ku tiirsanaan oo keliya dawooyinka kiimikada ah, oo keeni kara dhibaatooyin kale oo caafimaad. Waxa aanay khubaradu ogaadeen in dad dhiig kar qabaa markii ay si weyn wax uga beddeleen hab-nololeedkooda ay u suurtogashay in caafimaadkoodu uu soo gaadho heer aanay u baahan isticmaalka dawooyinka dhiigkarka.

Warbixintan shabakadda Health Mind Bodies waxa aynu ka soo qaadanaynaa habab dabiici ah oo uu qofku dhiig karka kaga takhalusi karo:

1. Miisaanka badan oo la iska rido, gaar wareegga dhexda (Caloosha iyo sinaha):

Xidhiidh aad jiritaankiisa loogu kalsoon yahay ayaa ka dhexeeya dhiigkarka iyo buurnida, sidoo kale buurnidu waxa ay ka mid tahay sababaha ugu muhiimsan ee keena khuurada oo macnaheedu yahay neefsiga oo googo’a, taasina waxa ay sii badisaa khatarta dhiigkarka sare.

Haddii miisaankaagu inta dabiiciga ah ka badan yahay, dhiigkarna aad isku aragtay, waxaa waajib ah in aad si dhaqso ah u samayso nidaam cunto dhimis iyo is xammayn ah si aad u riddo miisaanka saayidka kugu ah.

Cilmibaadhisuhu waxa ay xaqiijiyeen uu xidhiidh ka dhexeeyo xaydha ku ururta dhexda qofka iyo dhiigkarka. Si gaar ah waxa ay khubaradu cilmiga caafimaadku qiyaasaan in haddii ninka dhexdiisu ka weynaato 102 Sentimitir, gabadhana ay dhexdeedu ka weynaato 89 Sentimitir in ay halis u yihiin in dhiiggu uu si aad ah kor ugu kaco.

2. Jimicsiga:

In qofku uu si joogto ah u sameeyo jimicsi, ugu yaraan ah socodka ama dabbaasha oo uu maalin kasta sameeyaa waxa ay ka caawisaa in uu nidaamsamo wareegga dhiiggiisu, heerkiisuna dabiici ahaado oo aanu kici.

Khubarada caafimaadkuna waxa ay ku talinayaan in 30 daqiiqo oo shan maalmood toddobaad kasta la jimicsadaa ay u fiican tahay caafimaadka qofka.

3. Jidhka oo laga yareeyo Sodium ta:

Dadka Dhiigkarkaqabaa waa in ay aad isaga yareeyaan xaddiga milixda ay cuntada ku darsanayaan, sidoo kale waa in ay ka dheeraadaan cuntooyinka qasacadaysan iyo cuntooyinka lagu daro maaddooyinka ka ilaaliya xumaanta iyo in dhadhanku ka tago, waayo waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maadadda Sodium oo lagu tilmaamo in ay tahayba sababta ugu weyn ee keenta dhiigkarka.

4. Badsashada khudradda noocyadeeda oo dhan:

Cunista khudradda cuntada gasha iyo ta cagaaran, iyo sidoo kale cuntooyinka midhaha ah sida qamandiga iyo cuntooyinka caanaha dufanku ku yar yahay laga soo dheegtaa waa sirta ugu muhiimsan ee uu qofku ku xakamayn karo dhiigkarkiisa.

5. Cuntooyinka ay ku badan tahay Potassium:

In la badsado cunista cuntooyinka qaniga ku ah maadadda Bootaasiyamta oo jidhka ka caawisa in uu iska saaro cusbada  saayidka ah, waxa ay si aad ah ula dagaallantaa dhiigkarka. Cuntooyinka Bootaasiyaamta lagu yaqaannana waxaa ka mid ah, Muuska, timirta, Afakaadhaha, Faasuuliyaha, Dabacsasaha iyo Shaaglaydhka madow.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *