Hinaasaha Ama Masayrka

Masayrka jacaylku waa dareen ku dhasha dadka uu xidhiidhka jacayl ka dhaxeey, laakiin waxa muhiim ah in aanu qofku ka bixin xaaladdiisa caadiga ah amma is xakameeyo.

Waxaannu haddaba halkan akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa siyaabo ka mid ah sida qofku u xakamayn karo xaaladdiisa jacayl markuu dareemo hinaase, taas oo wax u tari karta caafimaad ahaan, farxad ahaan, wanaajin kartana xidhiidhka ka dhaxeeya lammaanaha aadka isu jecel;

Dib u jaleec xaaladda aad ku sugan tahay: adiga oo ka madax bannaan lammaanahaaga, waxaanad isku daydaa in aad qabato waqtiga aad dareento cadhada amma wax ku cadho geliya oo aad lamaanahaaga kaga cadhooto wax ku farxad galiya, waxaanay noqon karaan shaqo aad ku raaxaysato, gabayo iyo suugaan kale oo aad dhegaysato amma jimicsi si aad u ilkowdo waxyaabahaas khatar gelin kara noloshaada iyo xidhiidhka lamaanaha aad nolosha la wadaagayso.

Waxaad eegtaa xidhiidhka wanaagsan ee lammaanahaga idinka dhaxeeya: waxaad diiwaangashataa maskaxdaadana ku haysaa waxyaabaha wanaagsan ee idin dhex mara qofka aad jeceshahay iyo sababta uu kuu jecel yahay lammaanahaagu marka aad xaaladdaa dhibaatada leh ku jirto, haddii aad sidaa ku dhaqaaqdo waxaad lammaanahaaga wadaysan kartaa in uu kugula dhaqaaqo waxyaabaha ku farxad gelinaya.

Ixtiraam dadka kale ee kugu ag xeeran: waxaad awooddaa in aad badhax ku samayso hinaasahaaga oo aad maxkaxdaada ku haysato, laakiin waxaad isku daydaa in aad ixtiraamto dadka kale oo aad eegto waxay amma xaaladda ay ka fikirayaan, waxaanad ku xisaabtantaa falcelinahooda inta aanad jawaabin amma aanad wax fal ah ku dhaqaaqin, taasoo kaa caawin karta in aad is xakamayso, isna dejiso.

Waxaad masuuliyadda hinaasanimadaada saartaa naftaada: haddii hanaasahaagu ka yimaad xaggaaga amma dayacaad adiga xaggaaga, halkii aad eegi lahayn falka lammaanahaagu ku kacay waxaad khaladka saartaa naftaada, taas oo kugu soo celin karta xaaladdaadii caadiga ahayn, kaana keeni karta fikirada taban.

Waxaad bedeshaa dareenkaaga cadho ahaaneed: waxaad xaqiiqsataa in lammaanaha caafimaadka qabaa ay leeyihiin danayaal kala duwan, waxaad isku daydaa in aad hinaasahaaga xakamayso, marka uu lammaanahaagu waqtigiisa la qaadanayo asxaabtiisa, waxaanad fulisaa qorshayaashaada, adiga oo si wanaagsan uga dhaadhicinaya in uu waqti fiican kuu helo.

Waxaad samaysaa isku dheelitir dhinaca nolosha ah: haddii noloshaada bulsheed ku xidhan tahay lamaanahaaga waa wax iska cad in aad dareemayso hinaase. Si aad arrintan uga badbaado waxaad xidhiidh wanaagsan la samaysaa dadka kula jinsiga ah si aad uga faa’iido khibrad iyo sheeko wadaag wanaagsan.

Waxaad wax ka barata dhacdooyinkii horre ee aad soo martay: haddii hinaasenimadaadu dhibaato ku keentay xidhiidhadaadii hore isku day in aad aqoonsato arrimahaas, isticmaalna in aad wax ka barato dhacdooyinkaagii kaa horreeyey amma kuwa dadka kale ee aad maqashay amma u soo jeeday si ay wax uga beddesho dhibaatada ku soo fool yeelan karta xidhiidhka qoyskaaga, qofna ma jecla in uu laba jeer khalad ku dhaco.

Dareenkaaga la wadaag lammaanahaaga: waxaad isku daydaa in aad lamaanahaaga ka dhigato xulafo amma dhibaatada wadaagtaan, balse aanad u arag qof kugu cadaw ah oo hinaasenimadaadu dagaal idinka dhex abuurta.
Qofku markuu hinaase dareemo waxa uu wanaagsan inuu noqdo qof laab furan oo lammaanahiisa waydiisto in uu caawiyo, una sharraxo in uu dhibaato tabanaayo, arrintaas oo ka caawin karta in uu kalsooni ka dareemo lammaanahiisa.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *