Si Aad U Heshid Ninka Aad Ku Riyoonaysid 4-taan Arrimood Iska Ilaali

4 sifo oo si aad ninka aad ku riyoonaysid u heshid ay lagama maarmaan tahay inaad kaga takhallustid.

In ay gabadhu hesho ninka ay ku riyooto amaba ay niyaysato waa arin aan fududayn, waayo ragu badiyaaba waxa ay raadiyaan gabadh dhamaystiran, waxaana jira qaar dumarka kamid ah oo aanay ragu xataa jeclayn inay ka ag dhawaadaan, isla markaana aanay rabin inay nolosha la wadaagaan.

Hadaba waa kuwee noocan ay ragu ka firdhadaan, sifooyinka ay leeyihiin waa qoor nooceeya, hadii aad leedahay sifooyinkan fadlan sida ugu dhakhsaha badan uga takhallus si aad u heshid ninka aad niyaynaysid.

Quruxlayda badawada ah: bilawga hore ayaa ninka waxay ku soo jiidataa quruxdeeda, iyada oo si dagdag ah uu u ogaado inaanay isku fikir ahayn, isla markiiba xiisahii hayay ayaa hoos u dhaca, gabadha noocan ah ayaa awood uma laha in ay si quruxbadan u hadlaan taasi oo u horseedaysa inuu ninku khajilaad dareemo marka ay asaxaabtiisa ka ag hadasho.

Gabadha guurka jecel: noocan dumarka kamid ah ayaa waxa kaliya ay ku fikiraan waa guur uun, marka ugu horaysa ee ay is bartaan labada qof ayaa waxa ay markiiba ka sheekeynaysaa habeenka arooska iyo magacyada ay u bixin doonto caruurta, iyada oo aan waxba uga sheegin nafteeda isagana ka ogaan, taasi oo ninku uu markiiba ka qaato fikrad ah gabadhani shakhsiyadaada ma rabto ee guur ayuunbay rabtaa.

Gabadha xoriyada ka qaada ninka: noocan dumarka kamid ah ayaa waxa ay rabtaa in isla marka ay is bartaan ba aanuu cid kale la hadal, ka dheeraado asaxaabtiisa, gabi ahaanba waqtigiisana iyada ku dul lumiyo, gabadha noocan ah ayaa waxa ay ragu ka tagaan maalinta koowaadba waxaanay badiyaaba jecel yihiin inaanay wax xidhiidh ah la yeelan dumarka noocan ah.

Maxaa iga galay : gabdhaha noocan ah ayaa waxa ay isku dareen ka bixiyaan kaftanka iyo warka, waxa ay la kulmaan mashaakil badan wax dhib ahna uma arkaan, wax dareen ah oo qosol amaba muruugo ah marnaba lama wadaagaan ragooda, iyaga oo ragu ugu horaynba jecel dumarka dhagaha u raariciya warkooda isla markaan ala fal gala.

Check Also

Points to consider before Getting Married

By: KERRY PETSINGER Source: Jamiatul Ulama My husband and I have been married for 10 years. Here …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *