Si Aad U Dhisto Tarbiyada Caruurtaada Fuli 10-kaan Qodob

Marka laga hadlayo in la hagaajiyo ama la toosiyo hab dhaqanka caruurta waxa lagama maarmaan ah in la maro habab ama dariiqooyinka lagu gaadhi karo sidii caruurtu u noqon lahayd qaar akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan. Hadaba si aad u gaadho guulo kamid ah tarbiyaynta caruurta waxa aad fulisaa qodobadan hoos ku qoran.

1. ilaa uu ilmahaagu  10-jirsanayo haku halayn in uu kaligii cadaydo, markuu cadaydona ka jeegaree oo ka eeg sida uu u cadayday.

2. markasta  oo musqusha galo xasuusi in uu faraha si fiican usoo maydho

3. bar qaabka wax loogu cuno malgacada, farageeto iyo mindida sabata oo ah marka uu raaco iskuukla ee ay meelaha kale kasoo qadaynayaan yuuna u eekaan mid waalidkii gabay oo aan aqoon waxa ay qayrkii yaqaanaan, taasina waxay ku ridaa kalsooni daro iyo in hoos loo eego ilmaha.

4. bar ilmahaaga in uu noqdo mid doodi kara oo wixii xaqiisa ah sheegan kara marka uu joogo iskuulka.

5. ilmahaagu marka uu gaadho 10 jir ama uu dhaafo ka jooji maydhista ama aduu ha u maydhin , hase iloobin in aad ka warhayso  nadaafada jidhkiisa.

6. bar ilmahaagu in aanu noqon ilmo bilaa xuduuda oo wax kasta oo uu dalbado aan helin. Ilamahaaga oo aad ku rabayso in aanu wax kasta nolosha helini waxay ka badbaadisaa mustaqbalka markuu waynaado mushkilado badan oo soo waajahi lahaa.

7. bar ilmahaaga sida wax loo kaydsado oo usamee meel uu ku urursado lacagta soo gasha bishii qaar kamida. Tusaale: u iibi khasnad yar oo uu ku uruursado lacagta kadibna bar sidii uu u kala kaydsan lahaa lacagta soo gasha, kadibna uu ugu iibsan lahaa waxa uu xiiseeyo.

8. bar ilmahaagu in uu ka fikiro dadka baahan muslimiin iyo guud ahaanba. Suuqa markaad tagtaan u dhiib lacagyar oo uu siiyo dadka baahan si ay dabeecad ugu noqoto mustaqbalka.

9. ka ilaali oo aad uga fogee ilmahaagu in aanu noqon mid naftiisa oo kaliya ku fikira  kana ilaali in uu ku sifoobo calooshii u shaqayste.

10. ku dadaal oo aad  ugu dadaal in ilmahaagu aanu noqon caruurta luqadaha aduunka oo dhan ku fiican luqadiisii hooyana aan aqoon, kadibna u eekaada qof dhoohan oo aan waxba fahmayn markuu dhex joogo dadkiisa. Kana ilaali in aanu ilmahaagu noqon mid xaqira oo iskala wayn dadkiisa.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *