Shirkadda Samsung Digniin U Jeedisay Dadka Teleshanada Casriga Ah (Smart TVs)

Samsung_Smart_TVShirkadda sameysa qalabka elektoroonigga ee Samsung ayaa uga digtay dadka isticmaala shaashadaha telefishinnada casriga ah (smart Tvs) ee shirkaddaasi, in arrimahooda khaaska ah ama macluumaadka saxaasiga ah aysan uga hadlin meel u dhow telefishinnadaasi.

Shirkaddaasi oo laga leeyahay dalka koonfurta Kuuriya, ayaa waxa ay sheegeysa in qaabka sahlaya in cod ahaan shaashadda amar lagu siiyo halkii la adeegsan lahaa rimuudka, uu duubi karo sheekada dadka isla markaa ay shirkad saddexaad ay macluumaadkaasi heli karto.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda ay dadka u leeyihiin arrimahooda khaaska ah, ayaa shaashaadahaasi Samsung la barbar dhigay qalabka telescreen ee ku jira sheekada buugga lagu magacaabo 1984 ee uu qoray George Orwell. Waxa ayna digniintaasi samsung ku tilmaameen mid ceeb ah.

Xigasho: BBC

Check Also

New WhatsApp feature allows users to delete sent messages

WhatsApp has rolled out a new feature that allows users to delete text messages sent …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *