Microsoft Oo iibsanaysa Shirkadda Blackberry

microsoft-blackberryShirkadda ugu balaaran Sameynta barnaamijyada Kumbiyuutarada ee Microsoft ayaa lagu soo waramayaa inay iibsanayso Saamiga Shirkada telefoonada gacanta ee BlackBerry, waxa ayna ku iibsatay aduun lacageed oo gaarayaa $7 Bilyan oo Dollar.

Sida lagu daabacay wargeyska kasoo baxa wadanka India ee kana faalooda arimaha tiknoolajiyada ee Phonearena ayaa cadeeyay inay in shirkada Microsoft ay wado wada xaajood hoose oo ah sidii ay ku iibsan laheyd saamiga ugu badan ee Shirkada Soo Saartay Telefoonada smart phones-ka ee BlackBerry , wargeyska ayaa cadeeyay in Microsoft ay ku iibsanayso lacag dhan 7 Bilyan oo Dollar.

Arrintaan ayaana kusoo beegmeysa ayadoo hoos u dhac xoogan ay la kulantay shirkada BlackBerry sanadadii u dambeeyay kadib markii suuqa looga awood badiyay, waxaana la filayaa in Balack Berry ay soo laba kacleyn doonto kuna soo laaban doono suuqa aaladaha Casriga ah gaar ahaan telefoonada Smart Phones ka ah.

Check Also

talooyin talefankaaga gacanta

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Yareyso Lacagta Internet-ka Ee talefankaagu Isticmaalo

Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *