Shirkadaha Google, Microsoft, Facebook, Twitter iyo Yahoo oo samaytay Isbahaysi Cusub

Google-Plus-Facebook-TwitterShirkadaha  ugu horumarsan dunida dhanka Teknolojiyada casriga ah ee dunida sida Google, Microsoft, Facebook, Twitter iyo Yahoo ayaa la sheegay in ay sameysteen  isbaheysi looga hortagayo sirdoonka gaar ahaan kan xad dhaafka ah ee hey’ada NSA ku sameysay shirkadaha caalamka iyo hey’adaha si ay u ururiso macluumad farabadan oo ku saabsan dadka adeegsada Companiyadaasi .

Waxaa isa soo tarayay xilliyadii dambe in walwalka ay qabaan qaar ka mida shacabka dunida kaasoo ku waajahan sirtooda gaarka ah ee ugu keydsan mareegaha ama isgaarsiinada casriga ah gaar ahaan internetka,

Waxaana dadkaani ay muujiyeen walaaca badan ee ay ka qabaan hayadda basaasidda sirdoonka dalka Mareykanka ee lagu magacaabo NSA taasoo ay sheegeen in ay ku dhexjirto sidii ay u ogaan lahayd xogaha dadka ee ku dhex baahsan qalabka Internetka.

AOL, Linkedlin iyo hirkado kale ayaa iyaguna dhankooda toosh weyn ku ifiyay hawlha ay wadoo hay,adda NSA ee Mareykanka waxaana ay sheegen in khatar xoog lihi ay sababayso hadaan la joojin.

Madaxda  shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg , kan Google, Larry Page iyo midka Twitter Dick Costolo ayaa dhamaantood si wada jir ah warqad furan ugu diray xukuumada Washington taaso ay ku codsadeen in Maraykanku uu horjoog ka naqdo isbedelada shirkaduhu doonayaan in lagu sameeyo sharciyada xadeeya basaasida shacabka.”

Walaacan ayaa sii xoogeystay kadib markii ninka ka baxdsaday Mareykanka ee baahiyay sirta Mareykanku uu sheegay in in hay,adda NSA ay meel waliba lugta kula jirto isla markaana ay dooneyso in ay baarto wax kasta, oo sir ah .

Wabsiteka ay leeyihiin kooxdaan isbahaysatay ayaa lagu sheegay in ay aaminsan yihiin, in lasoo gaaray ama la joogaba xilligii sharcigu celin lahaa dawladaha dunida,isla markaana ka waantoobaan faragelinta lagu hayo danaha ama siraha shacabku leeyihiin.

Check Also

computer security computer-kaaga

5 Qodob Oo Computer-kaaga Ka dhigaya Secure

Tilmaamaha soo socodo waa kuwo kaa caawin karo in Computer-kaaga uu ka badbaado Viruses iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *