Separate ama (sebreetka) muxuu yahay?

Waa nin iyo naag is qaba oo ku kala nool laba deegaan oo kala gadisan,iyaga oo hishiis ku ah ama aanan ku ahayn,ayna dawladda ka qaataan lacag ka badan tan dadka kale ay dawladdu siiso,si ay ugu noolaadaan ilmahana ay ugu korsadaan.
Badanaana waxaa sameeya soomaalida ku nool wadamada reer galbeedka,waana wax aysan soomaalidu dhaqan ahaan lahaan jirin oo ku cusub, waxaana  badanaa marka aad si hoose u fiirsato dadka seprate ka sameeya ay u badanyihiin dadka ay diinta iyo il baxnimadu ku yar tahay.
Hadaba arinkaasi diinta islaamka marka la fiiriyo waa qalad ama danbi weyn oo ilaahey subxaanahuu watacaalaa naga xarimay in aan sameyno culimada muslinka dhanna waa isku raaceen,sababaha soo socda aawgeed.
1- been ayaa la sheegayaa,ilaaheyna beenta waa xarimay in bani,aadamka loo sheego ,muslin iyo gaalbo,waliba waxaa laga been sheegayaa guurkii iyo mas,uuliyaddii uu ilaahey saaray labada waalid,waxaa la leeyahay isma qabno caruurtana saaxiibtinimo ayaan ku dhalnay.
2- khiyaano ayaa ku jirta oo mujtamaca aad la nooshahay baad khiyaameyneysaa dawladii been ayaad u sheegeysaa,ilmo waalidkood jooga ayaa la leeyahay waa la is furay ama isma rabno,taasna waa xaaraan khiyaanada danbigeeda ilaahey waa noo sheegay inta uu la egyahay.
3-waxaad ilmahaada ku quudineysaa lacag aadan shaqeysanin oo xaaraan ah,oo been aad sheegtay kugu soo gashay,ilaaheyna waa naga xarimay in ilmaha lagu quudiyo lacag xaaraan ah,sababtoo ah iyagu danbi ma lahan mana awoodaan in ay shaqeystaan.waalidka ayaa mas,uul looga dhigay in uu ilmaha ku quudiyo wax xalaal ah.
Maxaa ku dhaca qoysaska seprate ka ku kala nool?
1- baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in kala taga ,furiinka iyo guryaha duma boqolkiiba %80 ka badan ay u badanyihiin qoysaska separatka ku kala nool.
2- qoysaska ay soo fara galiyaan social ka  ayna kontroolaan ama ilmaha ka wataan boqolkiiba %90 waxay u badanyihiin kuwa seprate ka ku kala nool.
3- caruurtooda waxaa mar walba ku dhaca cuduro,isbitaalada ayaad ku arkeysaa iyaga oo ilmahooda oo jiran wada mar walba.
4-haddii ilmaha ay weynaadaan ma noqdaan kuwa nolosha heer ka gaara,waxay ka tagaan wax barashada,daroogo in ay isticmaalaan oo ay gadaan ayey isku badalaan,ka dibna xabsiyada ayey galaan,ugu danbeyntiina waxay noqdaan kuwa nolosha ka dhacay.
5- boqolkiiba boqol waxaa dhacda in qoysaska separate ka ku kala nool maalin uun la soo ogaan doono  oo la soo qaban doono dawladuna ay ogaato beenta iyo khiyaanada ay sameeyeen, maalinkaas ha dhawaado ama ha dheeraado,ka dibna la maxkamadeeyo laguna qasbo in ay dib u soo celiyaan dhammaan lacagahii ay horey u qaateen,ama xabsi ay galaan,sharciyadana lagala noqdo.
6- waxay noqdaan caruurtooda kuwa waalidkooda ku caasiya oo aanan daryeel iyo wanaag ka helin marka ay weynaadaan oo meel cidla ah uga dhaqaaqa.
7- waalidiinta qaarkood waxaa xira oo soo dacweeya xabsina ugu muteystaan ilmahooda ay dhaleen sababo aanan saas u sii buurnaynin.
8- waxaa ku dhaca waalidka cudurada halista ah oo laga yaabo in ay u dhintaan ama noloshooda inta ka dhiman saameyn ku yeesha.
9- guryahooda waxay noqdaan kuwa ugu liita xaafadda ay deganyihiin dhinac walba kuma filna lacagaha ay qaataan,baahiyahooda banaanka ayey taalaa,dadka dhan waa wada ogyihiin,waxay caan ku yihiin in mar walba ay deen raadiyaan.
10- waalidku waxay dareemaan aduunka korkiisa nolol murugu leh oo cabsi badan,mana haystaan farxad,waa ka shalaayaan mar walba noloshooda, caruurtooda,ugu danbeyntiina iyaga oo ceebeysan ayey dhintaan,iyadoo aakhirana ay sii sugeyso cadaabka ilaahey.
Marka walaalayaalow arimahani waa kuwo mar walba dhaca oo aan aragno,in la iska indho tiro ma haboona,si aan ugu bad baadno ubadkeenana ay u badbaadaan aan iska ilaalino intii wax maqleysana aan ku waanino.
By: Walaalkiin Maxamed deeq
mohameddeeq.blogspot.com

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *