Sheeko Lamagac Baxday WAA AYO?

Oo waa ayo**********?

Annigoo dawanaya musasal aan aad u jecelahay,oo ay hareerahayga ku xeerran yihiin dhamaan qoyskayga oo dhan, waxaan cunnayay cunnto, aan marka ka soo qaatey jikada. Filimmkuna wuxuu marayay meel xaladda, ishaydunna meel kale ma hayso, waxay ku taqlan tahay tiifigga. aya waxaa si kaddis ah u soo dhacay mobelkayga oo aan markaa gosha ku hayay. Waan eegay numberkii, waxaan ahaa gabadh aad u da’yar wali ma gadhin xilligii hasaawaha, oo nambar aannan garannayn maba qabto yadoo lay agfadhiyo. Harreerahaan eegay nubekiina waan ku  damiyay. Isla la daqiiqad ka dib nambarkii wuu igu soo celiyay! intii annan qaban ka hor waxaan u dhaqaaqay dhinaca jikada, ka dibna albaabkii jikadan celiyay, nambarkiina waan  qabtay, saa waa cod nin! Waan yaabay!! ninkii  wuxuu yidhi “halow, walaaalo ma ma wacan tahay.” Anna waxaan idhi “hallo waa waa qofma?’’ wuxuu igu yidhi, “ waa wiil Farxaan la yidhaahdo, lakiin midhaa ima garannaysid” Annigoo yaban baan ku idhi “ Farxaanku waa kuma dee? Xagaad se nambarkayga ka soo heshay?” si dagdaga ayuu u yidhi “lakiin laga yaba inaad garratid sawiradayda, ee facebook ma ledahay?” waxaan ku jawaabey:“ Haa, waxaan kugu soo qorayaa masseege ahaan” sidii baan ku nabad galyeeyey. Islarkiiba waxaan u direy faceboogaygii wuuna igu soo darsadey, markii aan eegay dhamaan sawiradiisii waan garan wayay, wuxuu igu soo celiyay mobelkii  wuxuuna yidhi “Ma igaratey”  anna waxaan ku jawaabay “maya” wuxuu iigu yidhi: “waxaan wada dhiggan jirnay bareefad, lakiin kala fasal  baynu ahayn, isagoo hadalkii sii wata wuxuu yidhi “hadii adan  ii garanayn waynu kulmi karnaa” waxaan ku jawaabey “ waa si wacan” Waxaanu balanay habeen danbe. Kulkayagii kowaad wuxuu ahaa isbarasho. Annigu aad baan u dag dagayay oo si fican isumanan xog waraysan.  Waxaan aad uga war warayay hooyo iney i tabto. Sacado gudohoodba waan ka soo noqday wiilkii. Intii aan wadada soo socday waxaan la shawirayay nafta, marba Farxaan iyo hadaladiisi iyo waliba qosalkii goos gooska ahaa, Farxaan wuxuu ahaa wiil aad u qosal badan, waji furan, dacaayad badan. Iindhihiisa ay ku dheehnayeen jacayl. Wuxuu iigu sheekeyay sheekoyin xiiso badan oo aan islahaa yaanba ka tagin. Wuxuu waliba ii raciyay inuu qalbigiisu ii buko ana aan dawadiisa ahay, Uuna iga damacsan yahay mustaqbal fog. Sidii baan gurii ku tagey. Albaabka waxaa iga furtay hoyaday Cambaro. Waxay sidatay alwaax wayn. Alwaaxii baa layla dhacay yadoo ay hooyo ku dhawaqeyso “ naa xagaad ku maqnayd waqtign iyo maxaad doontay? Kuwaaa iyo kuwa la mida bay i weydiisay. Waxayna igala haadey mobelkii oo markaa Farxaan soo garaacay. Waxay ku tidhi “hallo”  Farxaan waa war mooge ayuu yidhi“ gacaliso gurigii ma tagtay”  inta waxaa xigtay in mobelkii dhulka lagu tuuro oo lay sii dilo” dagaalka waxaa ii dheeera su’aalo fara badan oo ay ka mid ahyeen ‘waa ayo ninkani’?  Hooyaday aad bay u kulayd. Reerkana annigaa u innana, inta kale waa wiilal Oo aad baa lay illaaliyaa. Anna anoo aad u ooyaya ayaan gurigii hore u soo galay.Wagiiba sidii iigu baryay. Waan kacay, waxaan dubbay canjeeladii, kadibna waan la bistay. markii aan labiskii dhamaystay, oo wali reerkuna wada hurdo ayaan is idhi bax, albaabkuba wuu qufulan yahay. Yaab!! Waligeed ilinka lama xidhine tolay maxaa dhacay? Lakiin waxaan markiiba fahmay u jedada. Waxaan iska bixiyay dharkii. Annuu jikadii ku jira ayay hooyo soo kacday waxay aragtay annigoo jikada iska fadhiya waxaan ku idhi “ hooyo albaabka maxaa loo qafilay” waxay iigu jawaabtay “cagtii fadhiisan waydaa mar uun bay ceeb la kulantaaye, intadan ceeb noso hoyn albakaa dhafimaysid, wax iskuulana ma jiraan waba meesha lays ka soo racaye.”  Waan iska ammusay. Markaan waxa adkaatey si aan isku aragno ama u wada hadolno anniga iyo jacaylkaygii ugubka ahaa. Markay baryo xaladuu sidii ahayd iskuulkiina layga joojiyay. Ayaa waxa kuriga timi eedady oo xannunsanaysa lakiin dhalin yaro ah. Waxaan uga sheekeyay dhamaan dhibatadii iyo is arag la’aanta anniga iyo Farxaan iyo innaan mar mar uun ilqoodha iska aragno. Kadib eeda waxay go’aansatay inay gacan iga siiso dhisida jacaykayga. Madaama oo ay bugto waxaa soo booqda dad badan. Waxaa suuro gashay inuu ka mid noqdo Farxaan dadkii soo boqonayay, isagoo waliba kaga tagi jiray dhambaalda jacaylka iyo warqadaha kana qadan jiray kuwaan u qoro. Boostii jacaykaan u bixinay edaday. Waxay kaloo boostadii ku darsatey inaan dhakhtarka u raaco si aan maruun u soo arko indhe uroonaha, qalbigayga dagay. Anniga iyo Farxaan waxaa na dhex maray kulano aad u xiiso badan.. Wuxuu xidhiidh kayagu ahaa mid aan aad ugu farxay. Waxaan isku noqoney ul iyo diirkeed midna midka kale kama maarmo. Farxaan wuxuu ka shaqeeyaa carwo ku taala suuqa wayn ee  magallada Burco, annigu se waxaan wali sitaa qalin iyo buug, oo waxaan dhigtaa dugsiga Shiikh Ibrahin. Bilo ka dib Farxaan wuxuu isoo bandhigay innu doonayo innaan noqono qoys. Waxaan si talan taliya u qaadnay heestan

 

*****Farxaan*****

Amraney waa idlaatay taladiiyee
amraney waa ayaamo qaybtiyee
waa la gaaray iidiiyee
waa inoo aroos wacan

*****dhayman*****

Asadow waa aayaheeniiye
asadow waa uur samaantiiye
waa aqal galkeeniiye
waa inoo aroos wacan

*****Farxaan*****

Amraney ileys baa inoo baxayee
amraney uubaxiina waa korayeey
alla mahadii weeyaane
waa inoo aroos wacan

*****dhayman*****

Asadow waa aaminteeniiye
asadow waa edig caashaqe
waa ulaad dugeeniye
waa inoo aroos wacan

*****Farxaan******

Amraney waa dilaacay oogiyee
amraney waa ahaatay teeniyee
waa ishaaro kheyr badane
Sidii hablaha caddada u ahayd waxaan u tagey hooyadey. Aad baan uga baqayay innaan dibnaha u kala furo sidii xishoodna waa lay hayay. Hadana waan kala furay. waxaan u sheegay innaan wiil la soo balamay oo uu isoo donayo. Kadib waxii igu horeeyey ee ay hooyo i waydiisay “oo wa ayo?’’ anna waxaan ugu jawaabey “waa reer abees” hoyadey way istaagtey! intay af labadii qaylisay ayay tidhi “ma maantaan jabay oo aan hoogay na maxaa reer Abees ku baray isma guursano isma galno na miyaad illowday innaad landheera tahay oo aad reer Ugaas ka soo jeedo?” Qayladii Ayaan qol ka xidhay. Hooyo oo sidii u qaylinaysa ayuu aabe soo galay wuxuu yidhi “naa canbaro maxaa dhacay?”  Hooya ku jawaabtey “gabadhaan korinnayay ee aan islaha boqorradu ha guursadaan miyaa manta reer Abees ila soo heshiisay? Aabana naxdintii wuu dhacay dhiigkar kii baa ku kacay, waxaa loola carraray dhaqtarka. Intii dadku dhaqtarka ku maqnayeen, waxaa guriga igu soo jabiyay walaalkey Cirfiid oo intuu gowdaa iga sarey oo taan tagaba i jabiyay ayuu waliba mobelkiina iga jabiyay. Aabana intii la sii waday ayay naftii ka baxday. Madaamu dhiigu xoog u kacay. Sidiiba maydkii gurigii loogu soo celiyay. Qayladii iyo oohintiiba la isku daray. Anna dadkii ma dhex mari karo oo canaantii iyo hiifkii xafadoo dhan waxaa layga bixiyay magacyo laygaga badalay magacaygii quruxda  badnaa ee Dhayman dadku waxay iigu yedhayeen magacyo wada habaara.sida “hoogto” iyo qaar lamida. Subaxdiiba waxaan qabtay gurigii Farxaan. Oohintu maryahaygay qoysay. Dhinac aabo la’aan baan ka ahay dhinacna qoys la’aan baan ka ahay oo hooyo iyo walaal toona ima arki karaan. Waxay dhamaan qoskaygu aminsan yihiin inaan ka danbeeyay dhimashadii aabo. Markii aan soo gaadhey gurigii Farxaan. Farxaan baa albaabka iga furay. Dabadeedna wuu iga naxay dhibatada iga muqatay iyo sidaan u diifaysanahay. Wuu isoo fadhiisiyay cuntu ii kenay. Dhar ay walashii guriga kaga tagtay buu isoo saarey markaasu yidhi “orodoo maydhoo bal dharkana xidho” intaa wuxuu isii raciyay in wax walba qadar yihiin, oo aan cidina dhinac mari karayn qadarka. Markaan sidii wiiggag ahaa oo marba aan ku riyoonayo abahay iyo sidii uu ku dhintey iyo habaarkii dadka. Ka dib waxaan go’aansaday inaan is ilowsiiyo oo aan ku mashquulo noloshayda kale ee aan hilmaamay, aminana qadarka. Farxaan guriga isgu aniguu iga guurey. Bilo ka dib waxaan go’aan sanay inaan reer dhisno oo aan is guursano. Sidiibaan xaas ugu noqdey jacaylakaygii Farxaan. Baryo ka dib baa laygu yidhi “waxa xanuunsanaysa hooyadaa” annigoo aan u tagin sannado gurigaas baan go’aansaday inaan u tago. Waxaan u tagay yadoo aad u dayacan oo cidla jiifta oo aan cidi la joogin inamadiina ka wada tageen.. oo wayday qof ka qada saxarada iyo kaadida. Waxaan ka codsadey inaan soo kaxeeyo. Sidii baan uga soo rarey gurigii cidlada ahaa. Waxanan ku haya gurigayga waxayna u ayday ubbadkaygii. Oo ay yadu dhashay oo reer Abeesa.

Heestan waxa qaaday: Siciid Mire iyo Faduumo Duur

 

W/Q Samaara Maxamed Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *