Cabbista Shaaha Sinjibiisha Leh Iyo Sirta Caafimaad

Wakhtiyadan dambe waxa si fiican loo ogaaday in ay aad uga faa’iido badteen daawooyinka ka baxa dhirta kuwa kiimikada laga sameeyo ee warshadaha soo mara. Haddaba, shaaha sinjibiisha leh oo Soomaalidu aadka u amaanto, isla markaana ay u isticmaalaan in ay hargabka ama cudurro kale oo xun-dhuntu ka mid tahay dawo ka yahay, ayaa la si rasmi ah loo shaaciyey faa’iidooyin caafimaad ee ku jira cabbistiisa, waxana ka mid ah:

1. Waxa uu dhisaa hab-dhiska difaaca jidhka: Faa’iidooyinka shaaha sin-jibiisha lagu daray leedahay, waxa ka mid ah dhisidda amma kor-u-qaadidda hab-dhibiska difaaca jidhka dadka, waxana arrintaas tusaale loogu soo qaatay xilliyada lagu jiro dayrta qaboobaha ee dadka badankiisu hargabka ka cawdaan. Haddii qofku uu cabbo shaah sin-jibiilaysan waxa si toos ah u kululaada jidhkiisa, waxaannu hab-dhiskiisa difaaca cudurradu noqdaa mid diyaar u ah inuu heegan u galo la dagaallanka jeermiska amma bakteeriya jidhka galaysa.

2. Waxa uu la-dagaallamaa isku buuqa: Cadaadiska shaqooyinka adag ee maalinlaha ah iyo halganka nololeed waxay sababaan in qofku dareemo degenaansho la’aan, sidaa darteed cilmi-baadhisyo badan laga sameeyey sinjibiisha waxay sheegeen in haddii shaaha lagu daro ay hoos-u-dhigto cadhada badan iyo degenaansho la’aanta nafta.

3. Waxay la dagaallantaa xannuunka wallaca dumarka uurka leh: Wallacu waa xannuun la soo darisa haweenka uurka leh, kaasoo sababa inay ladaadyo iyo matag badan keenaan, sidaa darteed waxay khubarrada caafimaadka ee daawo-dhaqameedyada daraasadaha ku sameeyey kula taliyaan dumarka inay cabbaan shaah sinjibiil leh si mataggu uga yaraato, naftooduna u nafista.

4. Waxa uu caawiyaa in garaaca wadnuhu shaqeeyo: hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u shaqeeyo Shaaha sinjibiisha leh waxa uu qofka ka caawiya in garaaca wadnuhu si fiican u shaqeeyo, sidoo kalena waxa uu jidhka ku khasba inuu sii daayo dheecaanada la yidha Gastric Juice oo caawiya in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u shaqeeyo, isla markaana jidhku nuugo nafaqada cuntada.

5. Waxa uu difaaca garaaca xad-dhaafka ah: Garaaca xad-dhaafka ah ee ay sababaan lugo xannuunka, waxa ay keenaan garaac aan loo dulqaadan Karin, sidaa darteed shaaha sinjibiisha leh waxa uu hal u yahay arrimahaas, sidoo kalena waxa uu hoos-u-dhiga bararka jidhka ku yimaada.

6. Waxa uu taageera in dhiigu si fiican u gaadho jidhka oo dhan: Koob shaaha oo sinjibiil leh waxa uu ka shaqaysiiya macdanaha ay Acid ka mid tahay si ay u caawiyaan hab-dhiska dhiig wareega ee jidhka, waxaannu sababa in dhiigu si fiican u wada gaadho gebi ahaan jidhka.

7. Waxa si fiican ugu shaqeeya hab-dhiska neefsiga: Dadka ay hayaan xaaladaha uu ka mid yahay cabudhku ee sanbabada qaar hawada si fiican u qaadan kari wayaan, waxa caawin kara haddii uu cabo koob shaaha oo sinjibiilaysan, kaasoo si fiican uga shaqaysiinaya unugyada xidhmay ee u baahan in hawadu si fiican u marto.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *