Sawiradaada Facebook Ma Lagaa Xadaa? BARO XEELAD AAD KU ILAASHAN KARTID

Badana dadku waxay ka cawdaan in sawirdooda ay Facebook soo gashtaan inta laga xado oo markaas account kale lagu furto ama qof kale uu isticmaalo. Hadaba arintaas ayaan noqon doonin mid raagta oo Facebook ayaa xal u soo saaray.

Barta bulshada ku kulanto ee caanka ah ayaa noqotay mid sawirkuu doono qofka iska qaato asagoon laheyn taasoo in badan aheyd xujo dad badana ka hor istaagtay inay galiyaan sawirkooda facebook.

Facebook ayaa ku ilaalin kara sawirdada aad soo gashatid safxadada, sidan ayay u shaqeyn barnaamijkan cusub:

Markaad soo galisid sawir Facebook oo sawirkas yahay kii ugu horeeyay oo cidkalena soo galin hada ka hor soo galin, Facebook wuxu u aqoonsanaya sawirkas inaad xuquuqdisa adi leedahay. Hadaba haduu qof intuu qaato sawirkas oo bogiisa soo gashto wuxu kusoo sheegaya in qof xaday sawirkaga kasoo aad talaabooyinka soo socda aad ka qaadi kartid:facebook-legal

1. Waad dacweyn kartaa oo Facebook ayaa sawirka ka saaraya bogga qofkas waxana laga yaaba in laga xirto kuuntadisa Facebook.

hadaad dacweynaysid waxay u kala bixi laba qeybood

B. Qofkaan soo gashtay inuu sawirkaaga iyo magacaga isticmaalayo.
T. Inaadan sawirka adiga lahayn balse qofka uu qof kale iska dhigaayo uu sawirka soo xaday.

2. Waad iska dayn karta oo sawirkaas wuu isticmaali qofka, ama hadaad laba account leedahay oo sawirka account kaga kale aad soo galisay.

Sheekadan aya Facebook kusoo dartay isbucan taasoo dad badan sawiradooda u ilaalin doonta sida dumarka oo sawiradooda wax aan hobeynin loo isticmaalo. Ogeysiintaan ayaa kaliya kasoo baxda markaad isticmaaleysid desktop ama laptop oo aan wali lagu darin barnaamijka lagu isticmaalo telefoonada gacanta. Hadaba marka dambe aad aragtid ogeysiis saas u eg ogow in la isticmaalayo sawir aad leedahay, kana qaad talaabada ku haboon.

Source: Actor26

Check Also

computer security computer-kaaga

5 Qodob Oo Computer-kaaga Ka dhigaya Secure

Tilmaamaha soo socodo waa kuwo kaa caawin karo in Computer-kaaga uu ka badbaado Viruses iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *