Saliidaha Timaha Nafaqeeya, Caawiyana In Ay Si Fiican U Baxaan

Timaha waxaa ku dhaca cillado kala duwan sida inay daataan, jajabaan, cirro yeeshaan, qalalaan,  midabkoodu isbedelo ama inay agool yeeshaan, waxaa la isku raacsan yahay in sida ugu haboon ee looga hortagi karo cilladaah ay tahay in la mariyo saliidaha dabiici ah.

Mudo dheer ayay haweenku u adeegsan jireen saliidaha dabiiciga ah daweynta cilladaha timaha la xiriira iyo kobcinta quruxdooda.

Saliidaha dabiiciga sida saliid qumbaha, saliid saytuunta, saliid macsarada, saliida lawska almond iwm waxaa ka buuxa fitamiinno, macdano iyo nafaqooyin kale oo faaido u leh timaha

Hadaba Daryeel Magazine waxaa uu halkaan ku soo gudbinayaa saliido dabiici ah oo timaha nafaqeeya, koritaankoodana caawiya. Ma jiraan wax timaha nafaqayntooda uga fiican saliidaha dabiiciga ah.

Saliid Qumbaha:

Saliida qumbaha tinta ayay korisaa waxayna siisaa qurux iyo dhalaal, basadana waxay ka ilaalisaa qallaylka. Saliid qumbadu waxay wanaajisaa caafimaadka basada waxay kaloo adkaysaa jiridka tinta, waxay ka hortagtaa fangaska basada iyo agoolka. Saliidda qumbuhu waxa ay awood u leedahay in ay dhex gasho lafta madaxa oo ay siiso nafaqada uu u baahan yahay kana daweyso dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee burburka timaha keeni kara.

Saliida afakaadhada (avocado oil): 

Saliidda afakaadhadu waxa ay timaha siisaa dux ka daweysa qallaylka, waxa ay siisaa nafaqo ka ilaalisa go’itaanka iyo in ay midabguuraan. Saliidani, waxa ay kor u qaaddaa caafimaadka timaha, waxayna ka dhigtaa jileec dhalaalaya.

Saliid Saytuun:

Waxaa xusid mudan in rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagula dardaarmay in geedka saytuunka saliidiisa aan marsanno, saliid saytuunta waxaa ku jirta macdan ka hortagta inay tintu khafiif noqoto, waxay firfircooni ku gelisaa wareegga dhiigga ee gaaraya timnaha taas oo caawinaysa inay tintu ay korto.  Sidoo kale saliida saytuuntu waxay daaweysaa agoolka waxayna yareysaa jajabka tinta iyo daadashada.

Saliida Castor:

Castor oil waxay qani ku tahay Fitamiin E, borotiin iyo macdano. Waxay dishaa agoolka, waxayna tinta siisaa dux iyo jileec sida oo kale waxa ay caawisaa koritaanka timaha.

Argan Oil:

Saliida Argan oo laga shiido geedka loo yaqaano “Argan tree” waa geed ka baxo waqooyiga Africa khaas ahaan wadanka Marocco, waa saliid cuntada iyo is-qurxinta labadaba loo isticmaalo. Saliidani timaha ayay qalaylka ka ilaalisaa, kadibna waxay ka dhigtaa timo sibiibix ah oo aad moodaysid sidii adoo koferka ka yimid markad marsato. Waxaa ku jira saliidan fitamiin E. Waxayna timaha ka ilaalisaa burburka iwm.

Saliidda lawska almond:

Saliida lawsku waxa ay qani ku tahay fitamiin E, dufanno, barootiin, maadooyinka sunsaarista iyo magnesium kuwaas oo ka hortaga burburka timaha islamarkaanaa caawiyo koritaankooda. Saliida lawska waxa ay timaha ka ilaalisaa go’idda iyo burburka wayna nafaqaysaa. Qaabka ugu fiican ee loo isticmaalana waa in lagu duugo basada saliida lawska oo la diiriyay.

Saliid macsarada:

Saliid macsaradu waxay nafaqaysaa basada iyo timaha, waxa ay hodan ku tahay fitamiin E, fitamiin B, dufanno, barootiin iyo macdano sidaas awgeed waxa ay kor u qaadaa caafimaadka timaha waxayna ka hortagtaa cirrada waqtigeeda ka hormarta. Saliid macsarada oo basada la daliigo waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga waxayna dedejisaa koritaanka timaha.

Akhriso: Cuntooyin U fiican Caafimaadka Timaha Kana Caawiya Koritaanka Iyo Aanay Daadan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *