Sababta Raggu Uga Baqaan Guurka Gabadha Fariidda Ah!!

Gabadha fariidda ah, guurka, raggaWaxaa jira hal-ku-dheg carbeed oo macnihiisu yahay, “Gabadha doqonta ahi waa sida neefta Khardal la yidhaado, oo neerfayaasha ayey dishaa” Waxa kale ooh al-ku-dhegyadooda ka mid ah, “Dad waxa ugu farxad iyo badhaadhe badan doqonta, waayo iskuma mashquuliso waxa hareeraheeda ka dhacaya, nafteedana saamayn kuma yeeshaan” Charles P. Baudelaire oo ahaa gabayaa weyn oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa isna sheegay in doqonniimada gabadhu tahay quruxda sii qurxinaysa quruxdeeda muuqaalka ah indhaheedana soo jiidashada u yeelaysa.

Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxa ay tahay gabadha ay raggu dhiqi karaan, ma ta fariidda ahbaa mise waa doqonta? Rag badan oo su’aashan la weydiiyey ayaa ku dhici waayey inay go’aamiyaan, kadib markii ay sheegeen in fariidnimada gabadhu aanay mar walb dan u ahayn ninka, “Fariidnimada gabadhu waa mindi laba af leh, inay ku dhisto la arkaa inay gabadhu fariidnimadeeda ka dhigato hub ay u adeegsato burburintaadana aamin lagama ahaa” ayaa ay rag badan ku soo koobeen aragtidooda. Haweenay gabayaa ah oo carbeed ayaa iyaduna mar dood laga qabtay raggu nooca dumarka ay jecel yihiin, waxa ay ku doodday in raggu ay jecel yihiin dumarka ka fariidnimada hoosaysa.

Dr. Michael Beth oo ku xeel-dheer cilmi bulshada ayaa cilmi-baadhis uu ku faafiyey wargeyska Sunday Times ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, waxa uu cinwaan uga dhigay Sidee ay raggu u qiimeeyaan dumarka. Dr. Michael waxa uu ku sheegay dhamaadka daraasadiisan natiijooyin ay ugu muhiimsantahay; Raggu aanay inta badan qiimayn ama danayn gabadha jaahilka ah. Waxa kale oo uu Dr. Michael sheegay in ay jirto aaminsanaan ku dhex faafsan dumarka oo ah in raggu ay jecel yihiin gabadha doqonta ah, taasina ay keentay in inta badan gabadhu marka ay jeclaato nin iyada oo ka cabsi qabta inuu ka tago in ay isaga yeel-yeesho doqon, “Waayo, waxa ay aaminsan tahay in raggu ka baqo kana fogaado gabadha maskaxda badan” ayuu yidhi, Dr. Michael.

Daraasad kale oo arrintan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in tilmaamaha ay raggu ku xiiseeyaan gabadha ay ka mid tahay, furfurnaanta iyo bashaashnimada gabadha oo ay u arkaan inay noqon karto qof illowsiisa dhibta uu shaqada iyo dibadda guriga kala soo kulmo, iyada oo isla markaana xiisaha ragga ee dabeecadda noocan ahi ay ku xidhan tahay hadba duruufaha uu ninku ku jiro. Waxa ay daraasaddani muujisay in raggu jecel yihiin dumarka kartida badan, kalsoonidu ka muuqato, gabadha mustaqbalkeeda dhisata isla markaana dakhli u gaar ah leh, taas macnaheedu waa in ninku uu jecel yahay gabadha nafteeda ku tiirsan. Waxa ay daraasaddani muujisay in raggu laga soo bilaabo ardaynimada, xilliga shaqada, doobnimada iyo xataa marka ay weynaadaan ay jecel yihiin dumarka fariidada ah, aadna u xiiseeyaan la macaamilka iyo barashada dumarka maskaxda badan ee laga dareemo fariidnimada, balse marka ay guur iyo mustaqbal noqoto in ay ka baqaan guursiga gabadha noocan ah, oo ay ka cabsi qabaan in ay iyadu ku hoggaamiso sida ay rabto, sida awgeedna ka doorbidaan gabadha qabaw ama lagu tilmaamo doqon oo ay u arkaan inay iyada dhiqi karaan.

KAMAAL MARJAAN

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *