Sababta Uu Jaceylkaagii Hore Kuugu Soo Noqnoqdo Oo Uu Kuula Soo Xidhiidho

Waa maxey sababta uu jaceylkaagii hore kuula soo xidhiidho? Muxuu qofkuu hore xidhiidh idin ka dhexeeyay mar labaad kuula soo xidhiidhaa? Maxay dad hore u wada socon jiray oo isjeclaa marar badan iskugu soo noqdaan kadib markuu xidhiidhkoodu dhamaado, maxaase sababa in dadka qaar ay dib marar kale ula soo xidhiidhaan jaceylkoodii hore kadib markey xidhiidh kale yeeshaan?

Maqaalkan waxaan kuugu sheegi doonaa sababaha kala duwan ee jaceylkaagii hore ku sababi kara inuu dib kuugu soo noqdo ama qofaad hore xidhiidh u wada lahaydeen ku sababi kara inuu dib kuugu soo laabto:

Si buuxda ugamuu bogsan:

Haddii qofkii hore aad xidhiidhka lahaydeen aanu si buuxda uga bogsan xidhiidhkiinii burburay waxaa laga yaabaa inuu dib kuula soo xidhiidho si uu u eego inay jiri karto rajo uu xidhiidhkiina dib ugu aas-aasmi karo.

Aargudasho:

Mid ka mid ah xaaladaha uu qofku maro markuu ka bogsanayo xidhiidhka burburay waa xaalad cadho ah iyadoo ay ugu wacan tahay cadhadaasi waxaa laga yaabaa in qofka aad xidhiidhka u lahaydeen uu doonayo inuu kaa aarguto, waxaana laga yaabaa inuu dib kuula soo xidhiidho isagoo u jeedadaa wata.

Qofkoo awoodiisa tijaabinaya:

Qof ay qof xidhiidh u lahaayeen waxaa laga yaabaa inuu dib ugu soo noqdo si uu u tijaabiyo awoodiisa aanu u arko inuu weli jiidan karayo. Jaceylkaagii hore waxaa laga yaabaa inuu kuula soo xidhiidho marka kale sii uu tijaabiyo inuu kusoo jiidan karayo iyo inkale.

Waxaad ula muuqaataa qof aad usoo jiidasho leh:

Aragtiyaha kala duwan ee ay dadku inaga haystaan iyo sida ay noo arkaan marba marka ka dambeysa way isbadeshaa. Haddii aad samayso waxyaabo soo jiidashadaada kordhinaya sida inaad caan noqoto, inaad guulo badan gaadho, ama inaad muuqaal ahaan u noqoto qof soo jiidasho leh waxay ku sababi kartaa qofkii aad hore xidhiidhka u lahaydeen inuu dareemo inuu dib kuula markale.

Isbar-bardhigii ayaad qofka ugu fiican noqotay:

Haddii qofkii aad hore xidhiidhka u lahaydeen uu dib kuula soo xidhiidho kadib markuu qof kale xidhiidh la yeesho waxaa jirta suurta galnimo weyn oo ah in markii uu jaceylkaagaa hore uu isbar-bardhigay adiga iyo qofka uu la socdo aad adigu noqotay qofka uu ugu jecel yahay, waxaana laga yaabaa in qofkaasi uu dareemo inuu waayo qof aad u qiimo badan.

Qoomamayn:

Qoomamadu waa dareen aad u xoogan oo qofkii aad xidhiidhka u lahaydeen dib kuugu soo celin kara Hadii jaceylkaagi hore dareemo inuu waayo qof aad u qiimo leh waxaa laga yaabaa inuu markale isku dayo inuu dib kuu helo ama kuu hesho.

Sideed Uga Falcelinaysaa Hadii Xaaladaan  oo kale?

Haddii qofkaa hore ee aad xidhiidhka la lahayd uu guursaday ama uu xidhiidh kale leeyahay, isku day inaad u fiicnaato islamarkaana aad ka fogaato illaa qofkaa aad hore xidhiidhka ula lahayd ay kala tagayaan qofka uu hadda xidhiidhka la leeyahay. Fikrad fiican ma ahan inaad la sheekaysiga la sii wado.

Haddii jaceylkaagaa hore uu weli madax banaan yahay waa inaad naftaada weydiisaa inaad dhab ahaan u rabto inaad xidhiidhkaa ku noqoto iyo inaad markaagii hore go’aan fiican qaadatay. Haddii aad rumaysan tahay inaad markaagi hore go’aan fiican qaadatay waa inaad dareensiisaa qofkaa horey xidhiidhka kuula lahaa, si aad qofkaa uga caawiso inuu si buuxda u bogsado uu kaaga rajo dhigo.

Haddii qof aad hore isku jeclaydeen aad u sheegtay in aanay jirin isku soo noqosho dambe, waxaad dhab ahaan ka caawinaysaaa inuu si dhakhso ah uga bogsado jaceylka.

Diyaariye: C/Risaaq Faarax

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *