Sababaha Ku Kalifa Dumarka Is Cadeynta

iman‘Doqon iyo habeen ba madow’ had iyo goor halheyskaas ayaan ka maqli jiray markan arko gabar Somali ah oo difaceysa ama ka doodeysa sababtay isku cadeysay. Gabdhaha qoyskeyga waxa u badan midibka maariinka (Brown) ah anagoo ka marneyn midibka madow, si kastoo ahaataba labada midaba kuwo is cadeeyay ayaa ku jiraan.

Maxa ku sababa gabdhaha is cadeynta?
Runtii hadaan ka hadlo mar ayey igu soo dhacday inaan is cadeeyo oo daawooyinka raqiiska ah dukaanka kasoo gato. Waxa isoo jiitay cadaanta dhaqsada ah iyo natiijada ay gabdho asxaabta ah maalmo gudahood qarash aad u yar ku haleyn. Balse hal mid ayaa inaan goaankeyga isku raaco ii diiday. Waxaan ahay qof is weydiiya su’aalo dhowr ah markaan rabo inaan gaaro go’aan weyn oo waliba nolosheyda badalay ama caafimaadkeyga ku saabsan.

Su’aallaha aan is weydiyay waxa ka mid ah, Maxaan isku cadeynayaa? Maxaase kareemka leysku cadeeyo raqiiska ka dhigay?

Waligey waxan aha qof ku qanacsan midibka iyo muuqa Allah (SWT) i siiyay, marnaba maku fakaro inaan taas qof ra’yigisa ku badalo. Dadka qaasatan wiilasha sidey ii arkaan qof ay wax ka badalan ma aan ahi oo kuligeen qaab, midab iyo muuq gooni ah ayuu leeyahay mana ahan in qof kaste oo ku arka aad qancisid dhaayihisa. Markaan in badan ku dhex mareysanayay ayaan ogaaday inaan kalsooni aan nafteyda ku qabo ay iga celisay soo gadashada kareemka Faiza.

Soo gadashada ayaa sidoo kale iga celisay qiimaha kareemka oo raqiisa iyo natiijadiisa oo mudo gaaban ku heleysid, maxey daawo waqti kooban natiijo kugu siin karta ay sidaas u raqiis tahay? Kareemkan iyo kuwa la midka ah aan arkay ayaan ku kor qorneyn waxyaabaha laga sameeyay iyo maadooyinka ku jira. Badankood ayaa waraaq yariisa ku jirtaa baakada tasoo ku qoran sida loo isticmaalo iyo kor mar maadooyinka ku jira (ingredients). Isla markana maku qorna damaanad qaad haduu kareemka wax ku dhimo.

Tan kaloo iga yaabisay ayaa noqotay in kareemkan isticmaalkisa aad wadid abid, oo aaney aheyn mid aad joojineysid kadib markad natiijo wanaagsan ka heshid. Hadaad joojisid wajigaga ayaa u ekaanaya mid gubtay ama aashitdoo lagu shubay, kana sii madowanaya midibka asalka u laheyd.

Sida cinwaanka ka muuqata ayey tahay sababta runtaa aan qormadaan u qoray. Kalsooni darada ayaa ugu wacan sababta ay gabdhaha isku cadeyaan, ogow akhlaaqda iyo dhaqan wanaaga waa tan qurxisa suuradada iyo muuqaaga. Sidoo kale waxa ku sababta gabadha markey tartan kula jirto gabdhaha xaafada ama asxaabteeda ayadoo isku maleysa hadey wax yar ka cadaan laheyd midabkeeda ay far dheeraan laheyd gabdho badan.

Haweenka ayaa sidoo kale is cadeeya si ay dhaqso nin ku helaan. Nimanka Somalida ayaa ayaguna ah kuwo la dhaca hadey gabadhu cadahay, oo aminsan in cadaantu quruxda ku jirto, taasoo ayana gabdho badan ku dhiiri galisay is cadeynta.

Gabdhaha is cadeya ayaa midabkooda aysan dabiici u akeyn oo uu ku jiraa jaalle khafiif ah, hadaad weydiisidna iney isticmaalen daawoyinka leysku cadeeyo ay inkirayaan.

Qormada soo socota ayaan si wanaagsan uga hadli doona caafimaad darada iyo waxyeelada dabada dheer ay leedahay is cadeynta.

Xigasho: Qalanjo

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *