Sababaha ku diidi kara inaad Guusha Gaadho

guusha guuldarro cidloMa tahay Qof raba inuu Heer ka gaaro dhinacyada Badan ee Nolosha, hadaba haday jawabtaadu tahay haa waxaan ku sheegaya inaad ka dheeraato Qodobadan aan ku soo wado maxaa yeekay waxay sababi karaan inaad Guusha gaari wayday:-

1:- Cabsidda:-
Ficilka Cabsida waxay lidi ku tahay Geesinimo iyo karti mar walba oo aad Cabsatana waxaa dib i dhigmaya Guusha aad rabtay inaad gaarto kana gaarto Nolosha, Cabsidu waxay cadaw ku tahay Noloshada, sidaa daraadeed waxaa lagaa rabaa inaadan Cabsida iska ilaalisid mar walbana ku dadaal si aad isaga ilaalin lahayd Cabsidaas.
2:- ku kalsonaw Naftaada:-
Kalsonida Nafta waa Guusha aad ku gaari karto Horumar walba oo aad ka donayso inaad ka gaarto Nolosha  Maxaa yeelay Naftaada oo aad ku kalsonataa waxay Fure u tahay Guushaada, lakin hadii aadan Naftaada ku kalsoneen waxaa ku soo wajahay Caqabdo badan kuwaas oo Sababa inaad Guul ka gaari waydo Halka aad Hiigsanayso oo aad is leedhay gaaro.
3:- Ha Quusan:- 
 
Markay dhacdo inaad Hawlo badan aad ku guul daraysato ha quusan hana Raja dhigin Maxaa yeelay rafaad walba waxaa ka dambeya guul, Cunuga marka uu yar yar ee u socod Baradka yahay waxa uu kaca oo uu ku faa Dhawr jeer, balse mudo kadib waxa uu bilaabaa in uu caadi u socdo, adiga ma waxaad ka liidataa cunugaa yar ee Socod baradka.
Mar walba oo aad ka quusato Guushaada waxay sababtaa in aad Horumar ka gaari waydo hawshada, ku dadaal inaadn marna ka quusan wadada aad ku gaari lahayd Guushaada, u wajah caqabada ku soo wajaha si kalsoni ay ku dheehantahay.
4:- Noqo mid ku Xiran Allah:- 
 
Qalbiga ka dhig mid ku xiran mar walba Allah Subxanahu wataca ilaalina Salaad walba xiligeda, Qofku hadu yahay mid mar walba ku xiranAllah waxba kama xumanayaan, kudadaal sidii aad qalbigaaga uga dhigi lahay mid ku xiran Allah.
5:- Dayicidda Waqtigga:- 
Ka Faa,idayso waqtigaaga Xiligga aad Firaaqada leedahay ha ku limin wax maala yacni ah kuwaas oo aan u wanaagsanayn Aduunyadaada iyo Aakhiradaadaba, Maxaa yelay Maalin ayaad ogaan Doontaa waqtigan aad ka fa,idaysan wayday.
Gushu maaha inaad gaarto kaliya meesha rabtay balse waa in gushadu noqotaa mid wax tar u leh Naftada Diintaada Dadkaaga Dalkaaga iyo Naftaadaba, balse yay Guushaadu noqodn mid an wax Faa,ida laahyn.
Inta aad ku guda jirto Wadada aad ku gaarayso Gushaada waxaad la kulmaysa Qabado badan kuwaas oo ka soo horjeeda Guushaada iyo Horumarka aad rabto inaad ka gaarto Nolosha.
W/Q:- Qoraa Said Mahad Mohamed.

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *