Sababaha Keena Harraadka Xiliga Soonka Iyo Siyaabaha La Iskaga Ilaalin Karo


Soonka, oonka, ramadaankaWaa arrin iska caadiya in qofku uu xilliga soonka harraad dareemo, gaar ahaan marka la eego xilliga ay sannadkan ku soo beegantay oo ah xagaa kulayl jiro, lana af-xidhnaanayo in ka badan 14 saac maalintii. Saacadahaa uu qofku af xidhan yahay waxaa si joogto ah jidhka uga baxaya biyaha illaa uu afurka soo gaadho isaga oo baahi weyn oo deg-deg ah u qaba biyo.

Qormadan  waxa aynu ku eegi doonnaa macluumaad iyo talooyin muhiim ah oo la xidhiidha harraadka bisha soonka.

Wax yaabaha innaga caawinaya la dagaallanka harraadka soonka:

1. Biyaha: Waxaa muhiim ah in qofku uu habeenkii cabbo biyo jidhkiisa ku filan si ay u soo celiyaan cusbadii iyo macdanihii kale ee uu jidhku ku waayey soonkii maalinnimo iyo dhididka.

2. Dareeraha noocyadiisa kala duwan oo dhan: Gaar ahaan sharaabka dabiiciga ah gaar ahaan noocyada cusbada dabiiciga ah leh. Waxaa muhiim ah in qofka soomani iska ilaaliyo sharaabka warshadaysan ee ay ku jiraan maaddooyinka midabaynta ee samayska ahi, waayo waxaa ku jira sonkor badan waxa aanay khatar ku yihiin caafimaadka.

3. Khudradda iyo midhaha darayga ah: Khudradda darayga ah waxaa ku jira biyo iyo ganka oo muddo caloosha ku jira, kuwaas oo yareeya harraadka iyo gaajada. Khudradda sida gaarka ah loo xusana waxaa ka mid ah khayaarka.

4. Suxuurta oo la dib dhigo: Sunnaha Islaamku waxa uu ku taliyey in suxuurta dib loo dhigo, taas oo xikmadaha ku jira ay ka mid tahay in qofku uu maalinnimada u adkaysto gaajada iyo harraadka.

Wax yaabaha sida dhaqsaha ah jidhka biyaha uga saara (Harraadka keena)

1. Milixda cuntada: Cuntooyinka milixda badan lihi waxa ay badiyaan baahida biyood ee jidhka, sidoo kale milixdu si guud ahaaneedba uma fiicna caafimaadka, sidaa awgeed waxaa lagula talinayaa qofka sooman in uu iska ilaaliyo milixda badan ee cuntada lagu daro iyo xitaa cuntooyinka sidoodaba cusbadu ugu badan tahay, sida kalluunka iyo noocyada khalka. Waxaa fiican in xilliga ramadaanka uu qofku milixda ku beddesho liin dhanaanta oo awood u leh in ay dhadhanka beddesho, una fiican caafimaadka.

2. Xawaashyada iyo busbaaska: Cuntooyinka lagu badiyo xawaashyada iyo busbaasku waxa ay jidhka ka nuugaan biyo badan, waxa aanay sababaan engag iyo harraad, sidaa awgeed waxaa fiican in qofka soomani iskaga fogaado busbaaska iyo xawaashyada kulul.

3. Baraarujiyeyaasha: Qofka sooman waxaa lagula talinayaa in uu iska yareeyo shaaha, bunka iyo dhammaan cabbitaannada loo yaqaanno baraarujiyeyaasha oo ah kuwa ay ku jirto maadadda Caffeine. Waayo Caffeine waxa ay kordhisaa shaqada keliyaha taas oo sababta in jidhku uu biyo badan iska soo saaro (Kaadidu badato), biyahaa badan ee jidhku waayayo ayaana keena harraad. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofka soomani uu ogaado in shaaha iyo bunku aanay jidhka u buuxin karin kaalinta biyaha.

4. Fallaadhaha qorraxda ee tooska ah: Qofka sooman waxaa la gudboon in uu iska ilaaliyo in fallaadhaha qorraxdu si toos ah muddo ugu dhacaan, waayo waxa ay sababtaa in biyuhu jidhka ka soo baxaan, taas oo iyaduna harraad keenaysa.

5. Maydhashada: wax yaabaha kale ee harraadka ka hortegi kara waxaa ka mid ah; qofka sooman oo ku maydha biyo aan qaboobayn, (Dhexdhexaad heer kulkoodu yahay), isaga oo saabuun ku maydhanaya, si uu uga takhaluso dufanka maqaarka oo inta badan xidha daloollada jidhka.

Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *