Sababaha Keena Dhagaxaanta Kilyaha (Kidney Stones) Iyo Calaamadaha Lagu Ogaado

Dhagaxaanta kilyaha ku samaysma (kidney stones) ayaa kamid ah xaaladdaha ugu badan ee saameeya in badan oo kamid ah bukaanada lagu arko goobaha caafimaadka. Dhagaxaantaan ayaa ah qurubyo yaryar oo ka samaysan macaadiinta kala duwan kuwaasoo ku dhaga inta badan meelo kamid ah kilyaha ama mararka qaar xubno kale oo kamid ah habka kaadi mareenka. Waxay la fahansanyahay inay yihiin elementiyo (Macdano) kala duwan kuwaasoo ku aruuray meel kamid ah killada, kadibna adkaada kuwaasoo ugu danbeyn keena in uu isbadal ku yimaado habka shaqada ee kilyaha.

Kilyaha ayaa usamaysan inay qabtaan shaqooyin kala duwan kuwaasoo muhiimad gaar ah u leh jirka, waxaana kamid ah shaqooyinka kilyaha, Inay saaraan wasaqda kasoo harta ficilladda uu jirku ku samaynayo cunadda si uu uga sameeyo tamar, taasoo ay kamid yihiin yuriya iyo yuric asid oo loo saaro kaadi ahaan, kilyahuhu waxay kontoroolaan heerka isku dheeli tirnaanta elementiyada jirka waxayna xadidaan inuu ku yimaado farqi saamayn ku yeelanaya shaqada jidhka, waxay saxaan pH-ka jirka kaasoo hadii uu ku yimaado farqi ama isu dheeli tirnaan la’aan ay dhacayso xaaladdo ama xanuuno soo wajaha jirka. Waxay si joogta ah u kontoroolaan heerka cadaadiska ee dhiiga iyo xadkiisaba. Waxay soo daayaan hormoono qayb muhiim ah ka qaata shaqada kale ee jirka, sida kuwa sameeya unugyada dhiiga cas iyo kuwa joogteeya dib u nuugista biyaha iyo cusbada.

Xanuunada ama cillada ku dhaca kilyaha sida dhagxaanta ku samaysma qayb kamid ah killida waxay keenaysaa in isbadul uu ku yimaado inbadan ama dhamaanba shaqooyinka ay qabtaan jirku taasoo ugu danbeyn keena karta heer ay ku gabaan shaqadooda.

Cabirka ama baaxada dhagaxaanta ayaa kala duwanaan kara, waxaa suurgal ah in hadii uu yaryahay cabirka dhagaxu uu soo raaco kaadida, iyadoo uusan sababin xanuun ama cilad baahsan. Hadiise ay baxadiisu ay weyntahay waa ay adagtahay inuu soo raaco kaadida.

Maxaa Sababa dhagaxaanta Kilyaha

Waxaa la aaminsanyahay in sababta ugu weyn ee marxaladaani ay tahay markii walxaha ay ka samaysantahay kaadidu sida Kalshiyam iyo yuric asid ay bataan cadadkoodu ayna ku ururaan qaybta dhexe ee kellida ama qaybta hoose ee ay ka baxaan kanaalada qaada kaadida. Sidoo kale waxaa yar dheecaanka ama biyaha mili kara walxahaan taasoo qayb baaxad leh ka qaadata inay samaysmaan. Qodobada kale ee lala xiriiyo dhagaxaanta ayaa waxaa kamid ah cayilka, dhaxal, fuuqbaxa, qalliinka mindhicarada, daawooyinka qaar, iyo cunooyinka ay ku badantahay elementiga loo yaqaan sodiyam.

Waa maxay Astaamaha Dhagaxaanta Kilyaha

Dhagaxaanta kilyahu waxaa macquul ah inaysan keenin wax astaan ilaa ay u ugudbaan qaybta dhexe ee killida (medulla) ama kanaalka ka baxa kelida ee kaadida geeya kaadi-haysta. Astaamaha la dareemo waxaa kamid ah,

  • xanuun laga dareemo qaybta dhexe/hoose ee dhabarka kuna fidiyada qaybta hoose ee caloosha iyo gumaarka
  • Xanuun la dareemo xilliga kaadida
  • Cadadka kaadida oo ka yar mararka caadiga ah
  • Adkaanshaha in la sugo ama la dheereeyo waqtiga kaadida.
  • Kaadida oo midabkeedu uu is badal ku yimaado una ekaado basali
  • Urka kaadida oo siyaado noqdo
  • Dhiig soo soo raaca kaadida
  • Lalabo ama matag
  • Qandho la dareemo hadii uu infekshan la socdo
  • Iyo xanuunka oo is badbadala kuna ekaan hal meel.

Noocyada Dhagaxaanta Kilyaha

Calcium Oxalate: waa nooca ugu badan ee lagu arko bukaanada lasoo darsa marxaladaan, lana xariira walaxda loo yaqaano ogsalate taasoo laga helo noocyo kamid ah cunada, qudaarta iyo miraha, lawska iyo shukulaatada. Beerka ayaa sidoo kale soo saara walaxdaan. Waxyaabaha ay ka imaan karto oo kale waxaa kamid ah qaadashada joogtada ah ee Vitamin D iyo qalliinka lagu sameeyo mindhicaraha. Qodobadaan dhamaantood ayaa keeni kara in cadadka ogsalate ay siyaado kadibna ku ururto kilyaha/kaadida maadaama ay kilyuhu nadiifiyaan dhiiga iskuna dheeli tiraan heerka macaadiinta jirka.

Struvite Stones: noocaan ayaa yimaada markii uu jiro infekshan ku dhaca hab ka kaadi mareenka ee jirka. Dhagaxaanta noocaan ah ayaa u kori kara si xawli ah iyadoo uu cabirkoodu siyaado, mararka qaar ma jiraan wax astaan ah oo muujinaya.

Uric Acid Stones noocaan ayaa ku dhici kara dadka aan cabin biyaha ku filan ama cuno cunnooyinka ay ku badantahay borotiin, ama dadka qaba gout-ka. Waxaa sidoo kale dhacda inay la xariiraan dhaxal.

Cystine Stones noocaan ayaa ku yimaada dhaxal waxuuna ku dhacaa dadka kilyahoodu ay saaraan noocyo kamid ah amino acids, waana xanuun ku yimaada dhaxal

Sidee looga hortagi karaa

Waxaa kamid ah siyaabaha kala duwan ee looga hortagi karo dhagaxaanta kilyaha, in la joogteeyo cabida biyaha, in la cuno cunooyinka aysan ku badnayn maadada cusbada taasoo qayb kanoqon karta habka ay dhagxaantu u samaysmaan, in la yareeyo cunooyinka ubadan hilibka kuwooda gaduudan ee xoolaha, in la yareeyo ukunta iyo waxyaabaha ay ka imaan karaan dhagxaantu sida shukulaatada shaaxa, iyo lawska.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *