Burooyinka Wajiga Iyo Qoorta (Blackheads or Black Dots)

Burooyinka wajiga, qoorta, sankaSidaynu ognahay wajiga dumarku wuu ka jilicsanyahay jidhka kale, waayo wa jidh markasta dumarku wax marinayaan, hadaba waxa jirta in wajigu qaato jeermiska ugu badan oo ka soo raaca gacmaha iyo hawadaba. Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Somali ahaan dumarku waxay ku maydhaan wajiga saabuun ama (shower Gel) ka bacdi gabadhu waxay u haystaa inay intaa kaga dhantahay maydhistii wajigu. Isla wakhtigaas gabadhu maydhayso jidhkeedoo dhan ee ay ka soo baxayso baadka, Bal waxad samaysaan cudbi (cotton pads) ku shuba biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan kuna xoqa wajiga waxaydun arki cudbigii oo noqday buni oo ka tagay cadaankii waxaasina waa (dead/ dirty skin cells). Had iyo jeer markaad wajiga taabanaysaan gacmihiina maydha marka hore oo qalajiya waayo gacmaha ayaa sita jeermiska ugu badan runtiina aan la qiyaasin Karin, markaa waxa fiican in markasta gacmaha la hor maydho intaan wajiga la taaban. Tusaale kale hadaan idin sheego cilmi baadhis lagu sameeyay (mobile phone) ka gacanta ayaa waxa lagu ogaaday inuu ka jeermis badan yahay ka suuliga , waxaana soo raaca kuna uruura jeermis aan xad lahayn ama aan la qiyaasi Karin. Markaa hadii adigoo saacad (mobile phone) gacanta ku hayay, hadana aad qasil kuu diyaar ahaa ku mariso wajiga iska daa jeermisku haysatay wajigaasiyee, boqolaal kale ayaad ku sii kordhisay, waxaasina waa waxa jidhka hoose u gudba, hadhoowna dhibatooyinka badan eek ala duwan dibada u soo saara. Intaasi wa talo aan ku saasabn sidaad oga ilaalin lahaydeen (bacteria) wajigiina ku dhagta.!!!

 Hadaan ku soo noqdo waxad iga sugayseen Maanta waxaa ka hadlayaa Burooyinka ku dhaca Wajiga Iyo Qoorta. (blackheads or black dots)

Hadaan soo hor qaato Burooyinka waxay had iyo jeer ku dhacaan jidhka saliida badan leh, runtiina jidhkan ayaa caan ku ah waxyaabo badan oo Burooyinku ka mid yihiin inay ka soo baxaan haday daldalooladu xidhmaan. Hadaba, Burooyinkan ayaa ah kuwo ku dhaca sanka dushiisa, dhabanada dhinacyada sare, fooda, qoorta iyo jidhka kaleba sida dhabarka.

Burooyinkan ayaa ah kuwo ka dhashay waxa loo yaqaano (hair follicle) oo ah barta ay timaha xaadu ka soo baxdo. Hadaba jidhka saliid leh ayaa sii daaya saliid iyo dhidid aad u tiro badan ka dibna jeermis noqda, oo ku soo uruura meesha xaadu ka soo baxdo. Intaa ka bacdi jidhka hoostiisa meesha loo yaqaan (hair follicle) ayaa midabkeedu madoow noqdaa, muddo ka bacdina waxa dibada uga soo booda burooyin yar yar, sababta oo aha uskagii iyo dhididkii ku uruuray meeshaas oo hawadii ka xidhmatay jidhka, jidhkan saliida leh ayaa ah mid markasta u bahan nadiifin iyo qalajin loo isticmaalayo waxyaabo saliidu ku yartahay.

Hadaba Burooyinkan ayaa ah kuwo is gaadhsiiya jidhka kale habeenkii markuu qofku hurdo ee uu dhidido. Runtii wax kaliya ee la iskaga yarayn karo ama lagaga hor tagi karo ayaa ah jidhkan oo xoog loo nadiifiyo loona isticmaalo (facial scrub, facial cleanser, and toner) qofka aan intan heli Karin ee wadankii jooga wuxu isticmaali karaa Liindhanaan, Biyo kulul oo lagu uumiyo meesha burooyinku ka soo baxaan, iyo tuwaal cad oo xoog u kulul oo lagu qabto meelaha leh Burooyinka wana Arrinta kaliya ee ay ku tagi karaan Burooyinkan ama ay ku yaraan karaan, qofkoo baneeya daldaloolada (pores) xidhmay oo jeermiska jidhka (dead skin cells ) galayna la dagaalamaya waxa kaloo fiican inuu qofku gogosha uu ku seexanayan sida barkimada uu galka ka badalo wiigii laba jeer, waayo dhididka uu jidhku sii daayo ayaa ku dhaga gogosha markaana waa u dhib, jidhka burooyinka leh uma fiicana, Nadaafada badan ee jidhka iyo dharkaba way caawisa Burooyinkan.

Burooyinka ayaa ah kuwo si dhibyar u tagi kara, hadii uu jidhku yahay mid dabiici ah oo aan dhib kale soo gaadhin, waayo waxay ku tagaan jidhkoo xoog loogu xoqay (facial scrub) iyo uumis badan, biyo diiran, iyo tuwaal kulul. Se haduu yahay tusaale ahaan jidh wax la mariyay ama khafiifay oo burooyina ka soo baxeen, waxaan aad iyo aad idiinkala dardaaramayaa in aanu qofku isticmaali Karin waxan aan soo qoray, waxaan aqoon badan u leeyahay jidhka dhibtu gaadho waxa ku dhici kara ee kale hadaan loogu tala galin, walaalo idinlama rabo in aad jidhkiina dhibkale sii gaadhsiisaan!??? jidhkan dawada la mariyay uma adkaysan karo, uumis, (facial scrub), biyo kulul, iyo tuwaal kulul midna laguma samayn karo.!!

W/Q: Drs. Amina Abdillahi Mohamed

Check Also

timaha go'aya, timaha daata, dawada timo daadashada

Sida Loo Joojiyo Timaha Go’aya 10 Maalmood Gudahooda

Timaha go’aya waa dhibaato ay dad badani ka sheegtaan, siiba haweenka. Hadaba waxaan idin kula …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *