Sababaha Keena Bidaarta Iyo Hababka Looga Hortagi Karo

Caadi ahaan dadka waaweyn waxa ku yaalla 100,000 oo tin (Boqol kun). Qofku markuu gaadho da’da 40-jirka, waxa ka go’a 20 timood maalin kasta. Markuu gaadho da’da 50-jirka waxa ka go’a 120 timood labadii cishaba. Taasina waxay ku keentaa inay timo badani ka lumaan amma ka daataan.

Sababaha Keena Bidaarta

Sababaha keena Bidaartu way badan yihiin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa kuwa ugu waaweyn:

  • Hide amma dhaxal ilaa toddoba fac gaadhaysa. ( Androgentic Alppecia)
  • Dawo aan laguu qorin, oo aad isticmaasho
  • Qaar ka mida ah dawooyinka Kansarka
  • Macdanta (Iron) oo ka yaraata jidhka
  • Kiniinta dhalmada ka hortaga( kala-koryiye) xaga dumarka
  • Isku-buuqa (stress) iyo werwerka
  • Borootiin la’aan xad-dhaat ah
  • Cunto xumo qofka ku dhaca, taasoo keenta diciifnimo ku dhacda hormoonada timaha bixintooda caawiya
  • Daryeel la’aan timaha ku timaada. Sida, maydhis la’aan, saliid la’aan iyo feedhis la’aan
  • Nooc ka mid ah cambaarta timaha gasho
  •  Fiitamiin “C” la’aan (lack of Vitamin C)

Xanuunada Sababa Bidaarta

  • Dhiig-karka
  • Gooryaanka nooc ka mid ah ( Ringworm)
  • Qanjidhka luqunta ku yaal oo bukooda (Thyroid Gland)
  • Xanuun ku dhaca jidhka oo sababa timo daadasho (Lupus). 50% ayuu sababaa inay timuhu daataan.

Ka Hortagida Bidaarta

  • Daryeelida timaha : maydhis, saliidayn iyo feedhis joogto ah.
  • Iska jir dawooyinka timaha madoobeeya, caseeya amma midab kale ka dhiga. Waxa ku jira maado sababta timo daadashada.
  • Iska jir dawooinka amma kiriimada timaha adkeeya. Waxa ku badan maado la dagaalanta soo bixista timaha.
  • Iska jir inaad cunto Beed aan bislaan
  • Hoos u dhig haddii isku-buuq ku haysto (stress)
  • Xiirashada joogtada ah, ayaa keenta inay timuhu yareeyaan soo bixista

Beerista Timaha

Unugyo timaha madaxa oo lagu koriyey shaybaadh ayaa la filayaa in xal loogu helo bidaarta, sida ay muujinnayaan jitaabooyin hordhac ah. Farsamadan waxaa loo adeegsanayaa waxyar oo ka mid ah unugyada timaha ee madaxa ku hadhay, ka dibna inta la koriyo ayaa dib loogu mudayaa madaxii Bidaartu haleeshay, halkaas oo timo cusub ku dhalanayaan.

Sidaas waxaa sheegay saynisyahanno ingiriis ah.. Waxay sheegeen in jitaabadii horeba, 19 qof oo lagu jitaabiyey farsamadan, 11 ka mid ah ay timo cusub u soo baxeen. Hase ahaatee, weli loo sii baahan yahay in jitaabo dheeraad ah la sii sameeyo, si qaab sugan oo kama dambeys ah loo gaadho. habkan timo cusub ugu soo baxayaan dadka bidaarta qaba. Sida la soo sheegayo, qaabkani wuxuu bidaarta kaga taqalusayaa bilo gudahood ah, madaxiina timo cusub ugu soo baxayaan.

Waa xeelad aqooneed oo bidaarta lagula tacaalayo, waxaana la sheegay in shan sano gudahood, ay noqon doonto mid baahsan oo loo adeegsan doono xallinta bidaarta. Shirkadda Cilmi baadhistan soo bandhigtay oo lagu magacaabo Intercytex ayaa wargeyska Kasmo, tirsigiisii 190, wuxuu hore uga qoray warbxintan:

Fiitamiinada ka hortaga Bidaarta

  • Fiitamiin B,
  • Fiitamiino isku jira (Multi-Vitamin).
  • macdanaha, Iron, Calcuim, Zinc.
  • whole Grain
  • Fiitamiin D
  • Fiitamiin B 12.

Daweynta Bidaarta

Kiniinka la yidhaa” propecia ( Finasteride). Waxa laga helaa oo keliya dalka ingiiriska. Sida ay sheegayaan dhakhaariirtu kiniinkani wuxuu dib u soo celiyaa timihii Bidaartu goysay. Wixii saamayn ah ee uu keenayo waxa kuu sharaxi kara dhakhatar aqoon u leh.

Cali cabdi coomay (Suxufi, qoraa ah. B.A in Journalism)

calicoomay@hotmail.com

Xigasho:

Only hair loss.com

Every day health.com.

Kasmo newspaper

Livesceince.com

Belgraviacentre.com

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *