Dhaqaatiirtu Maxey Ku Sheegeen Cabbista Shaaha Cadayska Ah

cabbista shaaha cadayska ah, shaah, cadays

Caafimaad miyaa ku jira shaaha cadayska ah?

Hadii aad jeceshahay cabidda shaaha, badanaa waxaad u cabtaa si aad ugu kifaaxdid waana mid dadkoo dhan ka simanyihiin marka laga reebo dadka qaarkood oo shaaha caafimaad ahaan u caba. Dadka caba badankoodu waxay ka dhigteen caado, halka qaarkoodna uuna u yahay balwad aysan waqti badan ka maqnaan karin.

Inbadan oo dadka shaaha caba kamid ah waxay joogto ka dhigteen inay shaahooda caano ku daraan, haduusan caano lahayna dhadhan uma yeesho. Saynisyahanada cilmiga caafimaadku waxay dhawaan sheegeen in hal dhibic oo caano ah ay gabi ahaanba badali karto faa’idadii shaaha aan caanaha lahayn jirka u lahaan lahaa. Sidee taasi macquul ku tahay?

Maxaa shaaha kujira?

Shaaha wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo qofka caafimaadkiisa u wanaagsan, kuwaasoo laga soo  ogaaday dadkii xiliyadii hore shaaha caanka ku ahaa sida shiinayska iyo hindida.

Shaaha waxaa kujira waxyaalo badan oo nuxur dabiiciya leh kuwaasoo caafimaadka qofka u wanaagsan. Wuxuu shaahu qani ku yahay vitamiino jirku u baahan yahay, wuxuu jirkeena ka caawiyaa iska caabinta cudurada iyo jeermisyada na soo weerara, sidoo kale wuxuu ka qayb qaaataa ilaalinta cabirka cadaadiska dhiiga iyo cabirka sonkorta  kujirta dhiigga, wuxuu yareeyaa dhaawacyada soo gaara unugyada yar yar ee xubnaha jirku ka samaysan yihiin, sidoo kale wuxuu yareeyaa ama xadidaa cudurrada wadnaha iyo halbowlayaasha jirka.

Dhamaan faa’idooyinkaas aan kor kusoo xusnay waa kuwo u wanaagsan caafimaadka qof walba, waxaana dhamaantood dar dar galiya cabida shaaha bigayska ah ama shaaha aan and caanaha lahayn.

Laakiin, hadaad cabtid shaaha cadayska ah ama shaah caano leh dhamaan qodobadaas aan soo sheegnay meesha ayay ka baxayaan.

Sidee caanuhu u saameeyaan shaaha?

Is barbar dhig lagu sameeyay dadka caba shaaha madaw oo aan caanaha lahayn iyo kuwa caba shaaha caanaha leh waxaa lagu ogaaday, dadka caba shaaha bigayska ah markay shaahaas cabaanba in xididadoodu dabcayaan isla markaasna isu socodka dhiigoodu uu siyaadayo. Balse dadka caba shaaha cadayska ah arintaas laguma arag.

Arintaas waxay khuburada caafimaadku ku qeexeen in sababta ka danbaysa ay tahay borotiinka loo yaqaano ceseins oo laga helo caanaha, borotiinkaan ayaa la sheegay inuu yahay shayga badalaya saamayntii wanaagsanayd ee shaahuhu kulahaa caafimaadka dadka caba.

Maxaa lagaaga baahan yahay inaad samaysid?

Waxaa iska cad in dadka shaah cadayska jecel aysan si fudud iskaga dayn karin, hadaba si caafimaadkaaga iyo rabitaankaaga kale ee noleleed ay iskugu dheeli tirmaan waa inaad samaysaa jimicsi mar walba oo aad shaah caana leh cabtid, waayo jimicsigu wuxuu u ogolaanayaa jirka and inuu dhiigu sifudud u qulqulo isla markaana shaqada wadnaha iyo Sambabadu waxay noqonayaan kuwo hagaagsan.

Talooyinka kale ee ku haboon dadka shaaha badan caba siiba kuwa cadayska caba ayaa ah inay shaaha cadeyska ah ku badashaan shaaha cagaaran oo caafimaadka jirka aad iyo aad ugu wanaagsan.

Muhiimada koowaad ee nolosha qofku waa inuu ku noolaado nolol wanaagsan oo caafimaad qabta sidaa dareedeed mar walba caafimaadkaaga kahor mari rabitaanka kale ee naftaadu rabto, Muhiimadda qoraalkaan ma ahan qof kasta oo akhriya inuu joojiyo cabidda shaaha cadeyska ah, ee waa qof kasta inuu fahmo faa’idada shaaha uu leeyahay marka aan caana lagu darin, sidaa darteed waxaan kugu boorineynaa akhristoow inaad qaadatid tilaabada uwanaagsan caafimaadka jirka, ama hadii aadan joojin karin shaaha cadeysan inaad isku daydid inaad yareysid cabiddiisa badan, maadaama faa’idada kujirta aysan la mid ahayn shaaha bigeyska ah.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *