Saamaynta caafimaad ee ay Leeyihiin Dhinacayada Bani´aadamku u Seexdaan xiliga hurdada

Qofku haddii uu si siman oo aan kala dheerayn ugu seexdo dhinacyadiisa waxa ka yaraanaya xannuunada lafaha dhabarka kala soo darsa amma ma haleelayo wax garaac ah oo dhabarka ka qabta.

Daraasado badan oo la sameeyey ayaa daboolka laga qaaday in habka iyo dhinaca uu qofku u seexdo ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin caafimaadka qofka, waxaana la soo jeediyey in qofku uu iska beddelo dhinaca uu u seexdo haddii caafimaadkiisa waxyeelo soo gaadhayso.

Haddaba, halkan waxaynu ku soo bandhigi doona dhawr dhinac oo dadku u seexdaan saamayntooda fiican iyo ta xun ee ay qofka ku leeyihiin;

Dhabarka-u-seexashada Faa’iidada ugu horraysa ee uu leeyahay waa dhabarka oo loo seexda waa hab miisaan ahaan dheeli tiran, xubnaha jidhkana wax dhaqdhaqaaq ah kuma imaanayaan, waxaannu daawo ka yahay luqun iyio dhabar xannuunka, waxaana fiican in barkinta la iska qaado si jidhku u dheli tirmo. Dhinaca kale, dhabar u seexashadu waxay leedahay dhibaato ah haddii qofku uu khuuriyo in ay kor u sii qaado khuuradiisa, isla markaana carqalad geliso dadka la hurda iyo hab-dhiska neefsigiisa, waxaana fiican in qofku uu marka dhinac u seexdo si aanu u neef-qabatinoobin.

Dhinacyo-u-seexashada Qofku haddii uu si siman oo aan kala dheerayn ugu seexdo dhinacyadiisa waxa ka yaraanaya xannuunada lafaha dhabarka kala soo darsa amma ma haleelayo wax garaac ah oo dhabarka ka qabta, waxaana fiican in qofku barkinta si dheeli tiran madiixa u saaro.

Sidoo kale dhinaca loo seexda waxay yaraysaa in qofka wadnuhu ololo amma sameeyo garaac keena in heerkulka wadnuhu kor u kaco oo sidii wax dab ka kacaayo qofku dareemo. Waxaana aad u fiican inaad dhanka midi u seexatto sababtoo ah miisanka ayaa ka yaraanaya wadnaha.

Habkan waxa laga yaaba in uu laf-dhabarta mararka qaar dhibaato soo gaadhsiiyo, waana haddii qofku uu si aan dheeli tiranayn u seexo oo uu gogol kala dheer ku seexdo. Caloosha oo loo seexdo Qofka haddii qaybta hoose ee dhabarku xannuunaayo waxa fiican inuu beerka u seexdo, waxaana hubaal ahi in dad badan aad u jecel yihiin u seexashada dhinaca caloosha, balse waxay leedahay caafimaad darro kale oo ah, waxaannu Mr. Jonathan Fitz Gordon oo khabiir caafimaad sheegay in habkan uu leeyahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin inuu cadaadis saaro xididada neerfisyada, taasoo qofka madax-xannuun badan ku keenta, sidoo kalena waxa laga yaaba inuu luqunta dhaawac ka soo gaadho qofka.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *