Roodhida oo Talaagada Lagu Xafido Waxay Isu Bedeshaa Sun Dilaa ah

roodhida, talaagada, qaboojiyaha rootiga

Barnaamijkeenan waxaynu ku soo bandhigaynaa cadaymahii uu culimada caafimaadku ka ogaadeen in hadii Roodhida la geliyo talaagada qaboojiyaha ay isu bedelayso shay sun ah oo heer dhimasho sababi karta.

Dad badan ayaa talaagada ku rida oo ku xafida cuntooyinka qaarkood sida roodhida oo kale taasoo ay mudo dheer u daayaan qaboojiyaha laakiin culimada caafimaadku waxay ogaadeen in marka roodhida la geliyo talaagada qaboojiyaha ee haddana la diiriyo oo la kululeeyo ay roodhidaasi isu bedelayso sun dilaa ah taasina waxaa sabaya habka roodhida talaagada loogu keydiyo oo ah inay dadku ku ridaan baco kiishash plastic ah kuwaas raad ku yeelana marka xiro cunto diirran kadibna si deddeg ah loogu dhex dhego talaagada qabow, marxaladaas isbedel ay gashay roodhidaas darteed waxaa ku dhalanaya maadada loo yaqaan “dioxin” oo ah maadooyinka sababa cudurka kansarka, iyadoo roodhida noocaas ah cunitaankeeduna uu kugu sababi karo cudurka kansarka. Iyadoo haraagii balaastikada ah ee roodhida ku haray uu raacayo dhiigga qof banii-aadamka ah haddii uu sii joogto ah u isticmaalo roodhida tallaagada la geligay ee hadana la diirriyay dhamaantoodna waxay yihiin kuwo kugu sababi kara dhibaatooyin caafimaad oo haddidi kara noloshaada.

Akhriso: Cuntooyinka aan fiicnayn in talaagadda lagu keydsado
Waxaa kaloo jira marka lagu xafido qaboojiyaha ay lumiso qiimaheedu cuntonimooo ay ka baxayaan maadooyinka faytamiinaadka ah ee ku jira waxaana ku haraya oo keliya maadooyinka carbohydrate, borotiinka iyo maadada dufanleyda ee roodhida dhadhan u samaynaysa marka dib loo diiriyo, bahda caafimaadkuna waxay kula talinayaan dadka roodhilayaasha ah iyo dadka isticmaalaba roodhiga diirran ku duuban oo keliya warqadaha aluminum-ka ah talo taa la mid ahna waxaa si gaar ah loogu jeediyay waalidiinta guryaha si ay u ilaaliyaan caafimaadkooda iyo kan caruurtooda.

Check Also

dhimista miisaanka

8 Cunto Oo Si Weyn U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Kobcinta Caafimaadka

Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *